Hey’adda Caafimaadka Adduunka oo Bilad Sharaf guddoonsiisay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya

Geneva- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta Xarunta dhexe  ee Hay’adda  Caafimaadka Aduunka ( WHO ) ee Geneva ku guddoomay Bilad sharaf  weyn oo uu guddoonsiiyay madaxa Hay’adda  Caafimaadka Adduunka  Dr. Tedros.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa abaal marintan ku mutaysatay hirgalinta Xarumo Caafimaad oo ku shaqeeya tamarta (qorraxda), Xarumahan Caafimaad ayaa waxay bixiyaan adeegyo Caafimaad oo kala duwan, Waxaana xusid mudan in xilligii uu dalka saameeyay caabuqii COVID19-ka ay wasaaradda ku guulaysatay hirgalinta warshadaha dhaliya hawada ( oxygen ) kuwaas oo  100% ku shaqeeya tamarta cadceedda, waxaana laga hirgaliyay Gobollo  kala duwan oo ku yaala dalkeena Soomaaliya.

Bilowga faafinta goobaha Caafimaad ee ku shaqeeya cadceedda ayaa ah qorshe weyn oo ay wado Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo laga damacsan yahay in uu kor u qaado tirada iyo tayada adeega caafimaadka ee dalkeena Soomaaliya.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale waxay ka qayb galeen kulamo gaar-gaar ah oo ay la yeesheen waaxaha kala duwan ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada farsamo ee hey’addu ay siiso dalkeena Soomaaliya.

Ugu danbayn kulamada oo socon doona ilaa 24 ka Bishan Janaayo ayaa waxaa la rajaynayaa inay guulo badan u soo hooyaan hanaanka Caafimaadka ee Soomaaliya oo howlaha horumarintiisu u socdaan si habsami leh.