Dhalin yarta Dalka Waxku bartay Oo Muqdisho ka sameeyay Goobo Ganacsi ayaa shaqo abuur u noqday dhalin yaro ku jira Heerarka Kala Duwan ee waxbarashada
Dhalin yartu 75% ayay ka yihiin bulshada somaliyeed sidaa oo ay thay waxaa wali lagu sheegaa inay kaalin firfircoon ku lahayn siyaasada qanacsiga Iyo Horumarada kale ee dalka ka socda,
Badankoodna waxay baryo ku hamin jireen isku biimaynta badaha shisheeye si ay u helan Nolal ka wanagsan tan somaliya, balse iminka waxaa muuqda ififaalo intasi ka duwan,
Dhalin yartu dalka waxa ku bartay iminka waxay wadaan YIdidalo ay ku doonayaan inay meesha kaga saaaraan aragtida dhalinta qaarkood ay aamisan yihiin oo ah inaan qof dalka wax ku baratay uusan shaqana heli Karin ama uusan abuuri Karin .
Eng Abdi samad haji axmed haji diriye waa mid ka mid ah dhalinta dalka wax ku baratay waxaa sidoo kole uu qeyb ka yahay dhalin yaro aas aasay goob ganacsi oo ay shaqo ahaan kaga faaidaystaan in ka badan 30 dhalin yaro ah oo qudhoodu ku jira heerarka kala duwan ee wax barashada iyo kuwa jaamacado dhameeyay.
Cabdisamad ayaa ka hadlay waxa ku dhaliyay aas aasitaanka xaruntaasi shaqo abuurka u noqotay dhalin karo awal la daalaa dhacayay Daruufaha shaqo yari ee dalka.
“ waxaan arkay in xaaladaha shaqo ee dhallinyaada dalka ku heysataa ay adag tahay taas ayaana ugu waaweynaa sababha keenay in aan ku fekero in aan sameeyo wax uun noqn kara shaqo abuur ay ka faa’ideystaan dhallnyarada ay shaqo la’aantu dalka ku heyso “ ayuuna yiri.
Qudhooda dhalinta shaqo abuurka ka heshay ayaa inala hadlay waxayna fariin u direen kuwa dalka wax ku barta balse nafsadooda u hura u tariibida wadamo shisheeye,
“ In aad tahriibto oo aad naftaada khater galiso waxaa ka wanaagsan in aad dalkaada iimaansato oo aad ka shaqeysato ha kuu badnaato ama ku yaraadeen waxa aad ka heleyso waayo ma jirto meel ku dhaanta dalkaada” a ayey tiri Faadumo Cabdi Maxamed oo ka mid ah dhallinyarada ku nool magaalada Muqdisho.
Marka laga sootago dhalinta ganacsadata ah dalka wax ku bartay ee hadana ganacsiga ka Abuuray waxaa sidoo kole gancsato qurba jog ah oo door biday inay maal galin ka sameeyaan gudaha dalka oo mudo dhibaatooyin kala duwan ladaalaa dhacayay
Yeelkeedee Abduqadir oo goob ganacsi ku leh muqdisho ayaa garowsan in ganacsatada Qurba jog ah ay maal galinta dalka wax badan ku soo kordhin karaan oo ay kazoo min Guuriyeen dalalka caalamka
W/Q : Mohamed Hassan