Waddan keenu wuxuu leeyahay ciidan xooggan oo abniga suga sida darteed waa in ay soo celiyaan abniga oo argagixisada khawaariijta ah ka tirtiraan caasimadda dalka soona celiyaan kala dambeyntii caasImadda dalka.
caasimad kasta waddankeeda waxay u tahay muraayad laga eego dhaqdhaqaaqa horumarka ka socda waddanka caasimaddaas.
haddaba waxaa habboon in la sugo abniga oo caasimadda oo laga waayo wax khawaariij ah magaala madaxda iyo nawaaxiga guud ahaan gobolka banaadir waana in la helo shacab iyo ciidamo saaxiibo ah kana wada shaqeeya abniga dalka iyo dadka.
waxaa habboon in degmooyinka xaafadaha uu ka kooban yahay gobolka in laga sameeyo waxa loo yaqaanno derisayn iyo xaafiisyo u gaar ah kaas oo loo bixiyo xaafiiska iska warqabka abniga deegaanka labo boqol oo guriba in sameeyo shaqaale ka soo warbixiya afar labaatankii saacba hal mar kasoo war bixiya hal mar.
haddaba, qaabka deriseynta waa tallaabada ugu habboon ee wax lagu saxi karo weliba dadka muslinka ah ay isaga warqabaan xaaladahooda iyo ku kuwa gaarka ah intaba walalayaal cidana ma aqbalikarto in ciidamada ka hawlgala gobollada koofurta soomaaliya ay ku soo noqnoqdaan dhacdooyin amni darro ah.
haddaba waa in la helaa ciidan iyo dadweyne isku xiran oo si waddaniyad ah oo sharci iskaashi u sameeya, waana in la helo aqoon hoggaamisa xaaladaha aan kor ku soo sheegay.
haddii in taas la helo waxaa imaaneysa kal sooni iyo is jacayl, walaalyaal Waddan waxuu ku horumaraa amni iyo garsoor haddii la waayo labadaas lama helayo bulsho nabadda u hoggaansan iyo ciidamo is hareera socda hagardaamo hawl la isku hagrado ayaa abuuranta ka dibna waxaa fashilma howlgallada waxaana ka dhasha ururro iyo kooxeysi.
haddaba si ay u dhicin taasi waa in wax laga baddelaa qaababka hadda loo adeegsado cadowga gudaha iyo kan dibadda intaba, waa in la helaa diyaar garoow looga hortago tabcanyaasha shisheeye iyo kuwii ay nooga gumeysteyaashii reer yurub oo aan weli geyiga soomaaliya kuwaa soo weli u soo hanqal taagaya sidii ay gacanta ula heli lahaayeen nimcada ceegaagta dalka hadday tahay shidaal dheeman iyo guud ahaan khayraadka waddanka soomaaliya.
haddii aan sugin abniga oo aragti ka fog midda maanta lagu shaqeynaayo oo aad uga duwan mabda a qabyaaladda ku dhisaniyo nin jacleysiga taas waxaa lagu magacaabaa guur oo ha degin haddaba sidaan uga gudubno arramiha waddankeenna dib u dhaca ku waa inla ciidamo abniga suga iyo dadweyne garab taagan guushu waa gacmo wada jira daacadnimo haddaba walalayaal waddan keennu waxuu baahan yahay nabad.
Dalka Edatorial