Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo uu horey ugu baaqay Madaxweynaha Jahmuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Xoghaya guud ee Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed Aweys Cabdi Cali oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheega in shirku uu yahay mid uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS ujeedka shirku yahay in Culimada Soomaliyeed ay caddeyaan waxa ay shareecada Islaamku ka qabto in lala dagaalamo khawaarijta iyo xukun kooda waxa uu yahy.
Shirka ayaa looga hadli doonaa doorka Culimada ee la dagaallanka fikirka guracan ee Khawaarijta iyo caddeynta haboow-sanaantooda, waxa uuna si qotadheer u dul istaagayaa saddex Qodob oo kala:-
1-Sharciyad Ka Qaadista al-Shabaab: Sixida Fahamak Saxda ah ee Diinta Islaamka,
2-Sharciyad Siinta Dawladda: Xukunka Islaamka iyo Dawladnimada Casriga ah.
3. Dhisida Golaha Saree e Culimada Soomaaliyeed: Muhiimadiisa iyo Sharciyeyntiisa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu furo Shirweynaha iyadoo sidoo kale ay ka qeyb galayaan Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda.