Ruushka oo ku biiraya dhoolatuska ciidan ee Shiinaha iyo Koonfur Afrika

Markab dagaal oo Ruushku leeyahay oo ku hubaysan hubka nooca loo yaqaan ‘Hypersonic Cruise’ ayaa bisha Febraayo ee soo socota ka qayb qaadan doona dhoolatusyada ciidamada badda ee Shiinaha iyo Koonfur Afrika, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS.

Ciidamada Difaaca Qaranka Koonfur Afrika ayaa sheegay in dhoolatusku uu socon doono 17-ka ilaa 26-ka bisha February,kaas oo ka dhici doona meel u dhow dekedaha magaalooyinka Durban iyo Richards Bay ee xeebaha bari Koonfur Afrika.

Waxay sheegeen ciidamadu in leyliga wadajirka ah uu ujeedkiisu yahay in la xoojiyo xiriirka kobcaya ee u dhexeeya Koonfur Afrika, Ruushka iyo Shiinaha”.

Dhoolatuskaan ayaa noqonaya kii labaad oo ay ka qeybgalaan saddexda dal, kaddib dhoolatus la sameeyay sannadkii 2019-ka, sida ay xuseen ciidamada difaaca ee Koonfur Afrika.

Markabka dagaal ee Ruushka ayaa waxa ku xiran gantaalada Zircon, kuwaas oo ku duulaya xaware ka badan dhawaqa 9 jeer,isla markaana gaari kara 1,000-km.