KAALINTA QURBA-JOOGTU KU LEEYIHIIN GANACSIGA IYO HORUMARINTA

Tan iyo markii dalka Soomaaliya ay ka dhaceen dagaaladii sokeeye waxaa jiray xaalado nololeed oo la soo dersay dadka oo dhinaca nolosha iyo ammaanka ah taas oo keentay in dad fara badan ay ka qaxaan dalka iyagoo raadinaya nolol dhaanta tii ay dalka kala kulmeen xilligaas.

Dadkani duruufo kala duwan ayey la kulmeen iyadoo qaarna ay badda mareen, qaarna ay dalal kale sii jibaaxeen qaarna ay sanado ku sgnaayeen xeryo qaxooti siiba kuwa ku yaalla Kenya oo aynu derinka nahay.

Dadkan ayaa markii ay tageen qurbaha waxay bilaabeen nolol cusub oo ka duwan tii dalka ay ku yaqaaneen waxaana qaarkood soo food saaray shaqooyin adag oo aaney u baran halka kuwo kalena ay galeen dadaalo waxbarasho oo waqti dheer ku qaatay.

Mudadaas dalka Soomaaliya oo ay ka tageen wuxuu marayey marxalado marba heer taagneyd oo ay ugu badnaayeen dowlado ku meel gaar ah oo is bedelayey ilaa la suurtagaliyey in dalku ka baxao marxaladii ku meel gaarka uuna dalku sameeyo xoogaa horumar ah oo dhinaca nabadda ah.

Tani waxay abuurtay rajo cusub waxaana Soomaaliya ka bilaabantay rajo dowladnimo oo keentay in ay xoogeystaan haykaladii dowladnimo uuna abuurmay jawi suurataglin kara in dalku sameyoo horumar lagu taami karo in Soomaaliya mar kale ay soo gaarto caalamkii ka tagay.

Waxaa dib loo yaqleelay rajadii mudada dheer ay qabeen dadka qurba joogga ah ee aheyd DIB BAA LOO NOQONAYAA, dib ayeyna dalka ugu soo laabteen dad badan oo qurbajoog ah oo ay rajo galisay yididiilada cusub ee nabadda iyo horumarka.

Cali Maxamed C/qaadir wuxuu ka mid ahaa qurabajoogii dalka dib ugu soo laabatay shantii sano ee la soo dhaafay wuxuu abaabulay ganacsi uu ku sameeyey shaqo abuur ayna ka shaqeeeyaan in ku dhow toban dhallinyaro ah wuxuu qabaa in qurbajoogga ay yihiin dad gacan ka geysana dib u dhiska dalka wax weyna u taray.

“Qurbajoogga waxay gacan ku leeyiin ganacsiga, siyaasadda iyo dib u dhiska kale ee dalka “ ayuu yiri Cali.

Qurbajoogga kaalimo ayey ku leeyihin siyaasadda waxaana ku jira golayaasha kala duwan ee siyaasdda dad qurabajoog ah oo dibeedda ka yimid qaarkoodna waxay saraakiil sare ka yihiin ciidamada dalka .

Inkastoo oo taasi jirto ayaa hadana dad kale oo dalka ku sugnaa goob joogna u ahaa wixii dalka ka dhacay waxay qabaan in qurbajoogga haatan dalka dib ugu soo laabtay ay la wareegeen fursadihii dadkii ku sugnaa gudaha dalka xilligii xasilloni la’aanta .

Maxamed Xaaji C/qaadir oo ah dadka gudaha ku sugnaa isal markaana ah arday heysta shahaadada labaad ee jaamacadda ee Master ayaa qaba in dadkan qurbajoogga ah ay la wareegeen fursadihii shaqo iyo kuwii siyaasadeed ee ay heli la haayeenwaxa dadka qaar ugu yeerraan qoorrax-joogga si waali ahna loo siiyo qurbajoogga furasadahaa.

“Maanta Soomaaliya haddii aad mar keliya dibedda tagtay oo aad sheegato wixii aad doonto iyadoon cidna ku dabagalin ayaad heleysaa jago aadan aqoon u laheyn iyadoo waxa keliya ee laguu tixgalinayo ay tahay in aad qurbajoog tahay” ayuu yiri Maxameed Xaaji.

Si kasta ahaatee hadana ma aha wax qarsoon kaaalinta ay qurbajooggu kaga jiraan horumarka iyo sibedelka dalka ka jira.

WQ: Mohamed Shiil