Waddan keenu wuxuu leeyahay ciidan xooggan oo abniga suga sida darteed waa in ay soo celiyaan abniga iyo kala dambeyntii caasImadda dalka caasimad kasta waddankeeda waxay u tahay muraayad laga eego dhaqdhaqaaqa horumarka ka socda waddanka caasimaddaas.
haddaba waxaa habboon in la sugo abniga magaalamadaxda iyo nawaaxiga gobolka banaadir waana in la helo shacab iyo ciidamo saaxiibo ah kana wada shaqeya abniga dalka iyo dadka.
waxaa habboon in degmooyinka xaafadaha uu ka kooban yahay gobolka in laga sameeyo waxa loo yaqaanno derisayn iyo xaafiisyo u gaar ah kaas oo loo bixiyo xaafiiska iska warqabka abniga deegaanka labo boqol oo guriba in sameeyo shaqaale ka soo warbixiya afar labaatankii saacba hal mar kasoo war bixiya hal mar.
haddaba qaabka deriseynta waa tallaabada ugu habboon ee wax lagu saxi karo weliba dadka muslinka ah ay isaga warqabaan xaaladahooda iyo ku kuwa gaarka ah intaba walalayaal cidana ma aqbalikarto ciidamada ka hawlga la gobolada koofurta soomaaliya dhacdooyinka abni darro oo ka jira
haddaba waa in lahelaa ciidan iyo dadweyne isku xiran waddaniyad sharci iyo iskaashi waana in la helo aqoon hogaamisa xaaladaha aan kor ku soo sheegay in taas la helo waxaa imaneysa kal sooni iyo is jacayl walaalyaal Wadan waxuu ku horumaraa abni iyo garsoor haddii la waayo labadaas lama helayo bulsho nabad u heegan ah iyo ciidamo is hareera socda hagardaamo hawl la isku hagrado ayaa abuuranta ka dibna waxaa ka dhasha ururro iyo kooxeysi.
haddaba si ay u dhicin sidaas qaababka ay adeegsadaan cadowga gudaha iyo kan dibadda intaba waa in la helaa diyaar garoow looga hortago tabcanyaasha shisheeye iyo kuwii ay nooga gumeysteyaashii reer yurub oo aan weli geyiga soomaaliya kuwaa soo weli u soo hanqltaagaya sidii ay gacanta ula heli lahaayeen nimcada ceegaagta dalka hadday tahay shidaal dheeman iyo guud ahaan khayraadka waddanka soomaaliya
haddii aan sugin abniga oo aragti ka fog midda maanta lagu shaqeynaayo oo aad uga duwan mabda a qabyaaladda ku dhisaniyo nin jacleysiga taas waxaa lagu magacaabaa guur oo ha degin haddaba sidaan uga gudubno arramiha waddankeenna dib u dhaca ku waa inla ciidamo abniga suga iyo dadweyne garab taagan guushu waa gacmo wada jira daacadnimo haddaba walalayaal waddan keennu waxuu baahan yahay nabad.
WQ: Abwaan C/salaam Axmed gabeyre