Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS oo kormeeray Wasaaradda Ganacsiga

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Salah Ahmed Jama ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xaruunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa u kuur-galaayey hawlaha shaqo ee baaxadda leh ee Wasaaraddu ay u hayso shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka uu warbixin ka siiyey hawlaha shaqo ee Wasaaradda, qorsheyaasha horumarinta Ganacsiga, Warshadaha iyo Maal-gashiga, iyo guud ahaan dedaalada ay sameeyeen, iyo caqabadaha jira inta ba.