Degmada Ceeldheer waxay ka mid tahay Dagmooyinka ugu qadiimisan Gobalka Galgaduud waxayna dhacdaa dhinaca waqooyi bari ee gobalka, waxay 18 Km u jirtaa xeebta Mareeg ee Badweynta Hindiya, waxaana markii ugu horreysay la soo degay sanadkii1937-kii kadib markii dadkii deganaaMareeg oo aheyd magaalo taariikhi ah ay ka soo guureen dagaalkii labaad ee aduunka kadib kolkaas oo Talyaaniga iyo Ingiriiska uu dagaal dhinaca badda ah ku dhex maray Mareeg.
Madaxdii gumaystihii Talyaaniga ayaa ku booriyay in dadkii ku noolaa Mareeg ay ka guuraan kuwaasi, oo marka laga reebo Talyaaniga isugu jiray Hindi, Carab iyo beelo kale oo Soomaaliyeed, Hindidii iyo Carabtii ayaa u hayaameen magaaloyinka Cadale, Xamar iyo Baraawe, halka reer Mareegii asalka ahaana ay u soo baqooleen dhinaca deegaanka Ceeldheer oo xiligaas ahaa meel ay ku yaaleen Ceelal oo kaliya, Sida ay sheegayaan dadka yaqaan taariikhda degmada Ceel-Dheer.
Magaalada Mareeg oo ahayd saldhigii sadexaad ee maamulkii Talyaaniga dalka Soomaaliya ku lahaa ayaa ahayd magaalo leh daaro qadiimi ah cimrigoodana lagu qiyaasay ilaa afar boqol oo sanadood & kuwo talyaanigu dhisay kuwaas oo intooda baday weli ka taagan halkaas,waloow qaarkood aad u gaboobeen hadana waxaa weli bed qaba, Misaajidkii Sh Da’ud Culusoow, Saldhigii Police ka, Xabsigi, Musawac,Xafiisyo, iyo guryo fara badan, Magaaladan oo ah mid ku dheresan xeebta mareeg ayaa weli waxaa ku dhaqan dad u badan kaluumaysato & xoolodhaqato….
Markaan u soo laabano habkii looga soo guurayMareeg Xaaji Maxamed Afrax Fareey ayaa ahaa Ninkii ugu horeeyay ee dhisme ka kooban guri & dukaan ka taago Degmada Ceeldheer, dad badan ayaa isla markiiba qaatay fikradii Xaajiga taas oo suurto galisay in ay Ceeldheer noqotay xarun ganacsi oo ay u soo dukaameysi tagaan tuulooyinka ku dhow dhow & dadka reer miyiga ah, waxaana dhamaan u soo wada guuray dadkii reer Mareeg oo nolol ka bilaabay halkaas, Sanadkii 1954-kii waxaa la sameeyay doorashadii golaha Odayasha.
Sanadkii 1954 Waxaa booqday Ceel-dheer wafdi uu hogaaminayo Muuse Boqor oo markaas ahaa Wasiirkii Arimaha gudaha Dowladdii ugu horreysey ee Soomaaliyeed ee Cabdulaahi Ciise madaxda ka ahaa waxaana dadkii la socday ka mid ahaa Daa’uud Cabdule Xirsi oo ahaa sarkaal sare, Shir ay yeesheen waxgaradkii Ceel-dheer & Muuse boqor ayaa waxaa leysla meel dhigi waayay, qodabadii layku soo qaaday oo ay u horeysay in Ceel-dheer laga sameeyo maamul Degmo.
Sagootintii wafdiga Muuse Boqor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha isugu soo baxay dadweyne fara badan oo halkaas ka muujiyay sida ay uga xun yihiin in Muuse hor istaagay qorshahoodii ay ku doonayeen Degmonimo waxaana gabayga caanka ah ee ( Qoodhiinya xeradaa maxaa qadiyay Ceeldheer) ka tiriyay halkaas AUN Abwaan Jimcaale Dhega-taag
1962-dii waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay degmanimada Degmada Ceeldheer.Degmada Ceel-Dheer, dhaqaalaheeda waxa uu ku tiirsan yahay xoolaha nool, kaluumeysiga, beeraha oo inta badan ku xiran waraabka roobka iyo ganacsiga caadiga ah, Waxa ay Degmadu xarun u tahay barashada culuumta Islaamka waxana wax ku barta arday (Xer) ka kala yimaado gobalada dalka soomaaliya qaar ka mid ah waxaana gacanta ku hayo
- Shiikh Cismaan Shiikh Cumar Shiikh Daa’uud &
- Sheekh Caamir Sheekh Siciid Seekh Ibraahin Yare oo labaduba hayo goobo wax barasho oo la furay bartamihii qarnigii 18aad.
Degmada waxaa ku yaal garoon Diyaaradeed oo ay maalgalisay hey’ada Talyaaniga ah ee CISP iyo madaxa shirkada Alba Inj Cali Xuseen Maalin, waxaana si joogta ah u isticmaalo diyaarado u badan kuwa hey’adaha gar gaarka oo todobaadkii sadex jeer agab isugu jira daawo & qalab caafimaad soo gaarsiiya labada cisbitaal ee degmooyinka Xarar- dheere & Ceeldheer, balse intaasi oo horumar iyo sii maalgalinta waxaa dhabarka ka jabiyay Kooxda Khawaarijta oo degmadaasi xoog ku qabsaday sanadkii 2010-kii, waxayna burbiriyeen dhammaan adeegyadii Bulsho, kuwaasi oo kala ahaa Isbitaalkii, goobihii Waxbarasho iyo adeegyo kale.
Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in Khawaarijta ay burburisay Masaajidka Jaamicii degmada Ceel-dheer, Burburinta masaajidka ayaa loo sababeeyey in kooxdu doonayso inaysan sii socon xalaqooyinka diiniga ah ee halkaas lagu aqri jiray, kuwaas oo dadka ka hor keenaya haddii ay fahmaan diinta Islaamka ee saxda ah, waxaana Deegaan walba oo laga saaray Khawaarijta sida, Masaajid Cali-guduud, Masagawaa iyo Ceel-dheer ayaa lagu arkay in masaajidda la burburiyey waqti hore oo aan mudada ay deegaanka caburinta ku hayeen lagu tukan.
Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab markii looga adkaaday dagaaladii ka socday gobolada dalka waxay ku soo aruureen in ay qarxiyaan masaajida, xaafado ay degan yihiin dad rayid ah iyo shirkadaha isgaarsiinta, marka Kani waa masjidka weyn ee degmada Ceeldheer oo toddobaadkan laga xoreeyay cadowgii cuuryaamiyay Alshabaab.
Muuqaalka masjidka ayaa soo koobaya wixii kooxdani aheyd iyo xumaanteeda dhan kastoo laga eego, Masjidkani ma aheyn oo kaliya meel lagu tukado ee lagu kala tago ee wuxuu ahaa madal cilmi iyo cibaado oo cammiran maalin iyo habeen, iyadoo In ka badan 500 oo xer ah ay ku baran jiray culuumta diinta, kuwaasi qaarkood ka yimaadeen magaalooyin iyo deegaanno ka durugsan Ceeldheer, si ay uga cabbaan darka culuumta diinta ee magaaladani caanka ku tahay.
Nololoshii, cilmigii iyo cibaadadii halkan ka socotay waxay argagixisadu u rogeen burbur, cidlo iyo cabsi, Haddii ay beydkii Alle sidan u kharaabiyeen, bal qiyaas qeybaha kale ee nolosha iyo dhaqanka bulshada?, waxay ahaayeen diirato arxan daran oo 13 sano oo ay halkan joogeen ku reebay xanuun iyo hurgumo weyn, marka waxa lagu arkay ama lagala kulmay ayaa ah “Ayax tag Eelna reeb”, ‘blasé waxaa la joogaa xilligii la dhayi lahaa dhaawacyadii ay argagixisadu ka tageen, lana baabi’in lahaa afkaarihii qalloocnaa ee ay faafiyeen’, sidaanna waxaa yiri Liibaan Cabdi Cali oo ka soo jeeda deegaankaasi.
Diyaariye: C/laahi Ruush