Kooxda khawaarijta al shabaab oo 15-kii sano ee la soo dhaafay caqabad ku aheyd hormarka iyo nabada dalka soomaaliya iyo guud ahaan geeska Africa, kooxda ayaa aysan jirin wax ay xeerineyso, waxayna ku xadgudbeen diinteena suuban iyo guud ahaan shareecada islaamka, iyo dhaqanka suuban ee soomaaliyeed.
Deegaanada ay ka taliso meeleeshiiyaadka argagixisada kama jiraan wax hormar dhaqaale ah iyo ganacsiyo madax banana oo la taaban karo taas badalkeeda waxa ay u xireen ganacsiga dad iyaga fikirkooda taageersan ama ka tirsan, ma ogala khawaarijtu in deegaanadeeda aad ka furato ganacsi hadii aadan ka tirsaneyn ama fikirkooda ku ganacsaneen.
Waxa ay mamnuuceen isu socodka ganacsiga ma ogola in deegaanadeedu ay ka gudbaan gawaarida sida mixnada iyo macaashka, quutul daruuriga, iyaga oo guba ama xoog ku qaata alaabta ay sidaan gawaarida ay u socoto ama u raran ganacsata soomaaliyeed iyagoo xoog kula wareegaayo.
Kooxda ayaa ganacsiyada yar yar ay deeganada ay maamulaan ka jira ama ka furan ka qaada baad oo ay ugu yeeraan canshuur taas oo ganacsata yaryar aysan awoodin in ay bixiyaan taas oo ganacsiga ku keenta in uu burburo ama socon waayo.
Kooxda ayaa caqabad xoog leh ku leh in ay soomaaliya la soo baxdo Shidaalka ama ay qodoto taas oo kaalin xoog leh ka qaadan la heyd hormarka iyo kobaca dhaqaalaha soomaaliya, taas oo abaaraha soo noqnoqda iyo shaqo la aanta xoog ka qaadan la heyd, soomaaliy ayaa ku jiri la heyd dalalka dhoofiya soona saara shidaalka, madanta iyo waxyaabaha dabiiciga ah taas oo ka qeyb qaadan la heyd ilaha dhaqaale iyo kobaca guud ee hormarka iyo nabada.
Shidaalka waa meelaha ugu badan ee laga helo dhaqliga lagana helo dhaqaale farabadan taas oo ay ku tartami la haayeen shirkado badan oo kala duwan taas oo laga helayo lacag iyo daqli ka dibna laga xusho shirkada ugu fiican intaas ka dibna lagu guda galo shaqada qodida iyo soo saarista shidaalka dalka.
Dalxiiska wuu ka mid yahay ilaha ugu waaweyn ee laga sameeyo dhaqaalaha kooxda al shaqabaab ayaa caqabad weyn ku leh dalxiiska soomaaliya guud ahaan.
Dalxiiska gudaha kooxda ayaa mamnuucday isu socodka iyo safarka deegana ay ka taliso iyo deegaanada kale dalka, halka deegaanada xorta ah aysan ka talin ay dadka ku qarxiyaan taas oo ay u yaraatay cabsiga lag qabo iyo amni darradda ay sababeen.
Dalxiiska dibada dalka waxaa soo gali lahaa ajaaniib farabadan oo dalkeena soomaaliya iyo goboladeena u soo dalxiis tagi lahaa taas dalka ku soo kordhin la heyd dhaqaalo farabadan balse taas waxaa sababay in ay yaraadaan amnidarada iyo xasilooni xumada ay sababtay kooxda al shabaab ee ah qarxinta dadka, baada laga qaado ganacsata iyo dilalka joogtada ah iwm.
Soomaaliya ayaa waxa ay leedahay bad, webiyo, xeebo qurux badan, buuro iyo beero qurxoon iyo dhul doog leh oo qurxoon taas oo ku fiican dalxiiska iyo damaashaadka halkaas dalxiisayaashu ay ku qaadan la haayeen waqti quruxbadn jawi dagan iyo neecaaw.
Maalgashiga waa ilaha ugu waaweyn ee qarash iyo lacago laga sameeyo waxa uu ka mid yahay kaabayaasha dhaqaalaha , maalgashiga dalkeena waxaa caqabad weyn ku ah kooxda al shabaab
In shirkadaha waa weyn ee ajaanibta iyo ganacsata waaweyn ee dalkeena maalgashi iyo mashaaric waa weyn ay ka fuliyaan waxaa hortaagan oo diidan meeshidka argagixisada ee al shabaab ee hoos taga ururka al qaacida.
Taas ayaa qeyb weyn ah ka ah shaqo la aan dalkeena ka jirta iyo guud ahaan tan heysata dhalin yaradeena .
Sidoo kale wax ay mamcuuneen in dadkeenu ay beertaan beeraha oo ay wax soo saartaan, tabaca beeraha waa ilaha ugu waayeyn ee daqliga soo saara.
Haddii ay kuu soo go do beerta waxaa lagaa rabaa kala bar waxa kuu soo baxay sidoo kale waxaa kuu sii dheer baad iyo waxa ay ugu yeereen sako waada iyo canshuur. Taas ayaa dadka ku qasbeeysa in ay dadka ka soo tagaan deegaanada maleeshiyada ay ka tiliso una soo wareegaan deegaanada dowlada ay maamusho.
Al shabaab 15 sano ka dib ma jirto wax ay dalka ku soo kordhiyeen, hadii ay ahaan la heyd in maalgashi la sameeyo, dad shaqo abuur loo sameeyo, iskuulo la furo, ceelal la qodo, dadka oo la nabadgaliyo, iwm
Iskaba daa in ay wax qabtaan balse iyaga ayaa laga nabad heli la yahay oo caqabad ku ah guud ahaan dadka iyo dalka soomaaliyeed.
Dalka Editorial