Ciidamada dowladda oo la wareegay degaanka Janaay Cabdalle ee gobolka J/hoose

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa si buuxda ula wareegay degaanka Janaay Cabdalle oo 60-KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada ayaa si nabad ah kula wareegay deegaankaan muhiimka ah, baaris ayay ka wadaan ciidamadu xaafadaha deegaanka.

Taliska Qeybta 43-aad ee xoogga dalka ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Khawaarijta laga ceyriyay deegaankaas, islamarkaana ciidamada ku sii daba jiraan firxadka Khawaarijta.