ISKA HUBI QATARTA HUBKA QORSOODIGA LAGU KEENO

Mar haddii ay ka jiraan waddan kaaga mushkulado kala duwan iyo wejiyo badan oo siyaasadeed.

Waxaa loo baahan yahay in  si weyn looga fekero abniga iyo wax yaalka saameynta ku leh oo laga yaabo in lagu soo geliyo magacyo kale oo ganacsi sharci ah oo dushiisa ku qaran,  waxaana yimaada dalka gudihiisa qalab ganacsi lagu keeno oo magacyo lagu soo geliyo waxaana ka mid ah saanad millateri oo ah hub qarsoon iyo lebbis uu u badan yahay tuutaha

ciidanka kolba nuuca ugu dambeeyey ee uu  ciidankeennu wato waxaa kale oo si toos ah u yimaada middiyaha booda oo qatarta ah iyo seefo ulo loo bedelay waxay  ganacsato qarsoodi ku keenaan malabka oo magaciisa lagu shaqeysto ka dibna usu bedela qaraxyo iyo bamka gacanta laga tuuro waxaana dhibaatooyin ka dhaceen hoteello badan iyo goobo lagu caweeyo oo bulshadu isugu tagaan xilliyada ay nashada leeyihiin.

waxaa kale oo gacan siiya ciyaal weerada, dadka maan dooriha istic maala iyo ganacsiga ku keena qalabka aan kor ku sheegnay ee kala duwan guud ahaan qalabkaani waxay kasoo degaan dekadda iyo ayraboorka qaarna waxaa keena gaadiidka safarrada meelaha fog u aada oo ay  ka mid yihiin keynya iyo itoobiya waxaa kale oo ayaguna doorka ciyaara keenista alaabtaan oo aad u fududeeya in ay dalka soo galaan  doonyaha iyo maraakiibta.

haddaba haddii cashuur laga qaado maxaa loo  arki la’ yahay qataraha ku soo foolleh magaalada caasimadda ah? maxaa loo arki waayey maandooriyaha iyo hubka qarsoon oo ah kuwa aan kor kusoo sheegnay oo midba midka kale ka qatarsan yahay?

waxaa kale oo wax laga xumaada ah In had iyo jeer magaalada lagu soo weeraro lebbiska ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed.

Waxaa kale oo is weydiin leh sida loosoo dejiyey hub iyo lebbis ciidan ee uu magaalada iyo koontaroollada ku dhex maray waayo waxaa jooga ciidamo abniga sugaya haddaba waxaa habboon arrintaas dib loogu noqdo lana hubiyo meesha ay wax ka yimaadeen iyo sida ay wax u dhaceen markaasna sida ugu hobboon wax looga qabto qatarta qarsoon.

hadaba la soco dhibaatada iyo qaladaadka ka jira gudaha dalkeenna hooyo, ka soo tala bixi sidaan wax uga qaban laheyn abniga waddan keenna gudahiisa adigoo ku fekeraya maskax waddanimo oo ka buuxdo akhli si wanaagsan u fekeraya

WQ: C/salaam Axmed Gabayre