Madaxweyne Xasan Sheekh “Wajiga 2-aad ee dagaalka Dalka looga xorreynayo Khawaarijta waxaa uu ka bilaabanayaa Koofur Galbeed”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khubad ka jeedinayey shirka dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo goordhow ka furmay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in wajiga 2-aad ee dagaalka dalka looga xorreynayo khawaarijta uu ka bilaabanayo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in umadda Soomaaliyeed ay leedahay hal cadow oo la yiraahdo Al-shabaab, dowladduna ay dalka oo dhan ka wado dagaal safmar ah  oo guuleystay, kaas oo magaalooyin badan looga xorreeyey khawaarijta.

“Barnaamij dagaal oo dalka looga xorreynayo khawaarijta ayaa dowladdu dajisay, wajigiisa 1-aad ayaana gabogabo ah, wajiga 2-aad halka ugu horreysa ee laga bilaabayo waa Koonfur Galbeed, waxaana laga xoreynayaa laga soo bilaabo xadka Itoobiya illaa bad weynta oo ah dhul ballaaran ”. ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa  sheegay in siyaasadda dowladdu ay tahay in awoodda la isugu geeyo in dalka laga xoreeyo kooxda khawaarijta ee cadowga ku ah shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu tilmamay in la isku furayo wadooyinka muhiim ah ee ay go’doomiyeen khawaarijtu ee isku xira goboladda dalka.

“haddii la isku furo wadooyinka xariiriya Muqdisho iyo koonfur galbeed oo laga saaro shabaab, lama ogolaanayo in isbaaro la dhigo, lama yeelayo, dadaalkii ugu dambeeyay ayaa socda oo ku aadan in dhammaan dalka laga saaro shabaab, awooda iyo qorsha 1-aad ee dowladdu waa in guud ahaan dalka laga sifeeyo khawaarijta “. ayuu yiri Mudane Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh oo dib u doorashadiisii ku dhawaaqay dagaal ka dhan kooxda argagixisada ah ayaa sheegay in sanadkaN dalka oo dhan looga xorreynayo kooxdan cadawga ah ee caadeystay daadinta, dhac iyo beegsiga bulshada Soomaaliyeed ee khawaarij.

Ciidamadda xoogga dalka oo garab weyn ka helaya shacabka iyo xoogaga dib u xorreynta ayaa gobolada dalka ka bilaabay dagaal sifeyn ah oo guulo waa weyn laga soo hooyay, magaalooyin badan oo in ka badan 15 sano ay dhibaatooyin ku hayeen argagixisadda ayaa hadda ku naaloonaya niicaawda nabadda kadib markii laga xorreeyay.