AKHLAAQDA IYO XISHOODKA GABADHA MUSLIMKA AH

Ka hadalka Mowduucan ma ahan wax lagu soo koobi karo maqaal yar, waa mowduuc aad u ballaaran oo aan qoraal yar looga bogan karin, Culimo badan baa hadashay, kutubo badan ayaana laga qoray, balse markaan soo duudduubo  oo in yar aan ka falaasho, waxaa muhiim ah in aan ogaano ama aan isweydiino Islaamka kahor qaab noocee ayuu ahaa nolosha iyo xuquuqda Gabdhaha?

Marka hore waa in la ogaadaa islaamka inuu u yimid si uu cadaalad dadka u dhex dhigo, dumarka islaamka kahor ma aysan aheyn kuwo la qiimeeyo mana aheyn kuwo hela xuquuqdooda, si qaab daran oo hooseysa oo liidid ku jirto ayaa loola dhaqmi jiray ilaa xitaa la gaarsiiyo in nolosha lagu aaso iyadoo la ceebeysanayo kusoo biiritaanka reerka taasoo ay ka baqayeen Carabtii Jahliga ku sugnayd inay Gabdhaha usoo jiidaan ceeb islamarkaana lagu caayo, islaamka ayaa kor u soo qaaday, wuxuu siiyay xuquuqdooda, sidoo kale islaamka wuxuu amray in la qiimeeyo dumarka oo aan lagu xadgudbin, ninka ayaa dusha laga saaray biilka guriga, taas waxay tilmaamaysaa naagta inay tahay boqorad loo adeego, xuquuq ayaa mid kaste dusha ka saaran, wuxuu leeyahay nabigeena – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(Yaa iigu xaqnimo badan xagga la jiritaanka wanaagsan? wuxuu yiri (hooyadaa) wuxuu yiri: kaddib yaa kale? wuxuu yiri: (kaddib hooyadaa) wuxuu yiri: kaddib yaa kale? wuxuu yiri: (kaddib hooyadaa), wuxuu yiri: kaddib yaa kale? wuxuu yiri: (kaddib aabbahaa)

Wuxuu yiri nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(qofka haysto seddex gabdhood kuna sabro, kana quudiyo hantidiisa kana waraabiyo kana huwiyo xijaab ayay naarta uga noqonayaan) riwaayo kale waxaa ku sugan (qofka biilo labo gabdhood ama seddex ama labo walaal gabdho ah, ama seddex ilaa ay ka tagaan ama uu isaga ka dhinto waxaan noqonaynaa aniga iyo isaga sidan, wuxuu ku tilmaamay farahiisa murdisada iyo fardhexaadda), waxaa laga wariyay abuu hurayra inuu rasuulka yiri:

(Haweenka u dardaarma, haweeneyda waxaa laga abuuray feer qalloocan, waxa ugu qalloocan feerta waa xaggeeda sare, haddii aad toosinayso waad jabinaysaa, haddii aad ka tagtana way qalloocnaanysaa ee haweenka khayr u dardaarma)

Marka islaamka wuxuu amray gabadha muslimadda arrimo la xiriira akhlaaqa waxaana ugu muhiimsan:

1- inay xushmad lahaato oo ay is xijaabto oo aysan jirkeeda muujinin, sidoo kale inay u badnaato guriga oo aysan banaanka u badnaanin haddii daruuro adag ay u keento mooyee.

2- inaysan raga ajaanibta dhex gelin sidoo kale inaysan aadin safar iyadoo  maxram la’aan ah.

3- inay si buuxdo u qaadato awaamirta Alle faray sidoo kale ay ka fogaato wixii Alle ka reebay.

4- inay ahaato qof xishood leh oo wax kasta aan faraha la galin.

Alle markuu ka hadlayay ninkii suubaanaa ee dhalay labadii gabar Nabi Muuse (CS) biyaha u dhaamiyay oo arigana u waraabiyey wuxuu tilmaamay xishoodka ay lahayd tan u timid wuxuu yiri Alle (SW):

(Markaasay u Timid Gabdhihii Middood Iyadoo Xishoonaysa waxayna ku Tiri Aabahay ayaa kuu Yeeraya si uu kaaga Abaal Mariyo Ujuuradii Waraabintaada Annaga, markuu u yimid oo uga Warramay Qisadii ayuu ku yiri ha cabsan waad ka Kortay Qoomkii Daalimiinta ahaa).

Alle wuxuu jecel yahay xishoodka guud ahaan Nabiga (SCW) wuxuu yiri:

(Alle (CW) waa xishood badan yahay waana astur badan yahay, wuxuuna jecel yahay xishoodka iyo asturaadda)

5- inay ka fogaato inay la saaxiibto dumarka xunxun oo xumaanta muujista oo ku faana qaawanaanta iyo macsiyada.

Nabiga (SCW) wuxuu yiri:

(Qofka wuxuu ku sugan yahay diinta (dhaqanka) saaxiibkiisa ha iska fiiriyo midkiina qofka uu la saaxiibayo).

 

WD: Ibraahim Warsame Xuseen