LOWSKA MAXAA FAA’IIDO AH OO LAGA HELAA?

Lawsku wuxuu ka soo jeedaa Koonfurta Ameerika oo ah meeshii laga bilaabay in lagu cuno qiyaastii 8000 sano ka hor laakiin hadda waxaa uu ka baxaa meelo kala duwan oo adduunka ah. Lawsku wuxuu  leeyahay dhadhan macaan oo fiican.

Lawsku waa geedo kacsan oo dhererkiisu gaadho 80 sentimitir. Caleemaha waxay leeyihiin 4-xaashi-yare, oo leh petiole ilaa 10cm. Xirmooyinka waa lanceolate, oo leh cirbad acuminate ah. Corolla waa huruud dahabi ah, waana cows. Midhaha waa legume ku baxa dhulka hoostiisa kuwaas oo u dhexeeya qiyaastii 10mm dhexroor.

Sidoo kale Lawsku Waa dhir aad ugu adkeysata cayayaanka iyo cudurada, laakiin maadaama xagaaga uu yahay waqtiga koriinka ugu weyn iyo inuu yahay xilli aad u kulul oo qalalan meelo dhowr ah, waxaa saameyn ku yeelan kara mealybugs cudbi ah.

Haddaba aan u soo dhaadhacna dulucda sheekadeena. Lawsku waxaa uu magaalada Muqdisho ka noqday mid fursad ganacsi u noqday dhalinyaro isugu jiro wiilal iyo gabdho ay da’doodu u dhaxayso 10, 16, 24 sano jiro.

Sidoo kale waxaan ka marneen in ay Lawsku ka ganacsadaan hooyooyin leh dukaamada yar yare ee ku teedsan waddooyinka magaalada Muqdisho.

Marka aad socota dhabaha waxaa hubaal ah in ay kaa hor imaanayaan ubaxa caasimada ee shaqa abuurka ka dhigtay Lawsku. Waa cajiib in noolal maalmeedkooda lagu dabiro wax qiima ahaan dhan kun shilling Soomaali ah balse ha dhayalsan waa xaqiiq arrinkaa.

Waxaan waddada Makka Al-mukarama kula kulmay Fardowsa, 16 sano jir ka shaqeysata iibinta looska. Waxaa ay isheegtay in ay ka timaado degmada kaxda ee gobolka Banaadir.

Fardowsa oo markaa ay madaxa u saarneed danbiil yar oo ay ku dhex jiraan xirmooyin Laws ah ayaa intaas ii raacisay in “Lawska ay iibisay ay ka biisho qoyskeeda oo ka kooban 4 qof.”

Intaan la sheekeysanaayay fardowso wax yaabaha cajiibka ayaa ahaa in ay dhoola cadeyn ay igu warbixisay iyada oo u aragto shaqadaas mid sahlan oo aan ku heyn wax dhiba.

Balse tilmaam dheeri ah uma baahno shuddada ay leedahay in aad hor iyo gadaal ugu socota wadda sawaxanka gaariyada ay kugu qasbayaan inaad qalbiga ka daasho.

Hasayeeshee qofba waa siduu u maareeyo waayaha adag ee noolashiisa waloow wareejinta Lawsku uu magaalka ka noqday shay casriyeysan.