ATMIS oo CXD ugu hambalyeeysay xoreynta magaalooyinka Ceeldheer,Galcad iyo Xarardheere ee Galmudug

Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka KMG Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) Danjire Maxamed Al-Amiin Souef ayaa ugu hambalyeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed xoreynta magaalooyinka Ceeldheer, Xarardheere, Galcad iyo Xiindheere ee dowlad-goboleedka Galmudug ee shalay iyo maanta la xoreeyay.

“Howlgalka ATMIS waxa uu sii wadi doonaa in uu bixiyo taageerada loo baahan yahay si loo gaaro Soomaaliya ka caaggan argagixisanimada iyo falalka la xiriira”, ayuu yiri Danjire Souef.

“Al-Shabaab waa ay jabeen waxaana annaga oo garabsaneyna walaalaheenna Soomaaliyeed sii wadi doonnaa in aan argagixisada khawaarijta ah ka saarno Soomaaliya si ay shacabku u helaan amni, xasillooni iyo nabad, kuwaas oo muhiim u ah horumarka bulsho iyo kan dhaqaaleba ”, ayuu yiri Danjire Souef.