Dhaqan kastaa wuxuu leeyahay laba dabeecadood: Dabeecad u janjeerta dhanka xasiloonida iyo mid u janjeerta isbedelka.Dhaqamada caadi ahaan si joogto ah ayey isu beddelaan, sababtoo ah shakhsiyaadka bulshada ka mid ah ayaa si joogto ah wax uga beddela qorshahooda dhaqameed, kuwaasi oo isbeddelkaasi ku saleeya hab-dhaqankooda, bulsho iyo fikradeed oo markaasi jira ama taagan. Maxaa dhacaya marka dhaqanku is beddelo?
Su’aalada faraha badan oo kala ah: goormee is beddel yimadaa, maxaa sabab u ah, xawaaraha uu isbeddelka ku socdo iyo tirakoobka ashyaada lagu saa’idiyay dhaqanka ama kuwa ka lumay oo laga tagay ma fududa in si sahlan looga jawaabo su’aalahan oo dhan.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan ognahay in isbeddelka dhaqanku uu ku dhaco ama keena siyaabaha soo socda
- BEDDEL (BY SUBSTITUTION)
Marka la beddelo hab dhaqameedyo jiray laguna beddelo qaar cusub.
- LUMIN (BY DISAPPERANCE)
Marka la baabi’iyo qaab dhaqameed jiray loona yeelin beddel.
- BALAARIINTA (BY ENLARGEMENT):
Marka dhaqanka lagu soo daro dhaqamo cusub oo dheeraad ah.
- ISKU DARKA (BY FUSION)
Isku darka oo ka dhasha marka la isu keeno labo dhaqan oo kala gooni ah halkaasina ka dhasha dhaqan cusub tusaale ahaan luqadaha loo yaqaan Pidgin languages.
Xasiloonida iyo isbeddellada dhaqameed ayaa kala leeyihiin oo ku dhex jira xubno togan ah (positive dynamics) iyo kuwo taban ah (Negative dynamics).
Dhaq dhaqaaqa dhaqanka ee taban ka ah (Negative) wuxuu dhalin karaa isbeddelo u horseeda in dhaqanku burburo ama dhinto.
DHAQAN BURBURKA (CULTURAL DISINTEGRATION).Arrinkaan waxaa guud ahaan loo fahamsanyahay in ay tahay marka ay timaad daruuf ka dhexdhasho mujtamaca nidaam kala daadsanaan ah (disorganization) kaa soo dhaliya isbedello ka fara bato gacanta shaqsiyaadka bulshada mucayinka ah dhexdeeda.
Taariikhda waxaa ka buuxa tusaalooyin la xiriira dhaqan burburka dhaqameed, waxaa ka mid ah xadaarado waaweyn, sida kuwa:
Masaridii hore, Great Zimbabwe iyo Mapungubwe (Africa).
Giriiga, & Rome, (Europe) – Machu Picchu (Latin Ameerica)
Sababaha dhaliya burburka dhaqanka waa laba sababood oo kala ah: mid ka dhasha mujtamaca gudihiisa, ama sababo dibadda uga timaad (Internal or external factors).
Arrimaha la xiriira sababaha burburka dhaqanka waxay mujtamaca dhaxal siyaan:
dagaallo dhexdooda ah, mujtamaca oo lagu soo duulo oo la qabsado (conquest), guurid ama haajirid ku yimaada ummada mujtamacaasi (migration).
Asbaabaha dibadded (external factors) ee dhaliya burburka dhaqanka waxaa ugu wayn Gumeysiga.
Dhaqanka ama asluubta gumeysiga u ku dhex yeesho mujtama uu gumaysto waa dhallan rog dhaqameed oo guud ah kuna beddela dhaqanka ummadaasi lahayd dhaqankiisa, kaasi oo saameyn ba’an ku yeesha diinta, aqoonta, luqadda iyo sharciga iyo qaanuunka ummada ay isku maamuli jirtay gumeysiga ka hor.
“Markii Vasco da Gama uu ku wareegay Afrika 1498, waxay ahayd aas aas u ahayd qayb muddada loo yaqiinay dib-u-nooleynta Yurub (European Reinassance), xilligaasi oo isla markaasi saldhig u ahaa aas aasidda casriga ah kasoo suurta geliyay korrimada burjuwaasiyadda reer galbeedka.
Waxaay bilow u ahayd burburinta degdegga ah ee magaalooyinka xadaaradaha leh ee xeebaha Bariga Afrika.”
2 Ngugi wa Thiong’o – Tababarka sannadlaha ah ee Steve Biko Memorial Lecture- Jaamacadda Cape Town-Koonfur Afrika -12 Sebtembar 2003 waxaa diyaariyey
WQ: Abdulqadir Axmed Saciid (Bufalo)