Caaggane, aabbihi iyo hooyadi keligi bay dhaleen. Hooyadu waa gurijoog, aabuhuna reerka ayuu subixii u kallahaa. Caaggane, dugsigii Qur’aanka waa dhammeeyey, markaasna iskoolka dhexe ayuu dhiganayey. Aad buu waxbarashada u jecel yahay, uguna fiican yahay. nasiibdarro, isaga oo fasalka sagaalaad maraya, ayaa aabbihi, isaga oo suuqa Bakaaraha ka xammaalanaya xabbad wiifto ah madaxa ka gashay, halkaasna adduunkii uu uga tagay, una guuray daartii rasmiga ahayd ee Aakhiro.
Caaggane iyo hooyadi, aabbe la’aan iyo nin la’aan ayaa ku dhacday. Waxa taas uga darnaa, noloshii baa cariiri isla markiiba ku noqotay. Hooyadi orod bay bilawday, laakiin bariiskii bay ka badin weydey. Waxa ay noqotay, in ay ka guuraan daartii ay ku jireen oo ay degaan aqal jiingad ah oo kiro jaban.
Caaggane, bishii koowaadba, geeridi aabbihi ka dib, waxaa la weydiiyey lacagta iskoolka. Ma uusan bixin. Tii xigtay baa la su’aalay. Ma uusan keenin. Tii saddexaad baa fasalka laga soo bixiyey oo lagu yiri, “Haddii aadan bixin lacagta bilaha kugu ururtay, iskoolka ma imaan kartid.” Meel uu lacag ka keeno ma garanayo. Aabbihi dhimay, hooyadina, quutuldaruurigii ayey la lagdamaysaa. Tol kale iyo meel uu aadana garan maayo. Inta bannaanka iskoolka fariistay ayuu oohin la dhacay.
Markii duhurkii ardaydii la kala fasaxay oo ay kala dareereen, macallimiintina, mid kasta ag marayey, ayaa macallin Nuur oo ahaa oday baarrinnimo, garaad, garasho iyo dunwanaag u dhashay, inta wiilkii yarka ahaa ku leexday, ag fariistay, isla markaasna, inta si naxariis leh madaxa ugu salaaxay, si wanaagsan u wareystay. Caaggane, si fiican buu ugu sharraxay dhibka haysta iyo sida uu waxbarashada ugu baahan yahay. Macallin Nuur waa uu qarracmay, illin baana ku soo joogsatay, kolkaas buu Caaggane ku yiri, “Adeer, ha welwelin, aniga ayaa booska aabbe kuu galaya.” Macallin Nuur, intaas ugama herine, waxa uu misena Caaggane ku yiri, “Gurigiinnii i gee.” Geeyey. Markii uu ogaaday xaalka qoyska iyo xoolo yaridooda, macallin Nuur inta go’aan gaaray buu mushaarkiisa reerka wax uga goyn jiray, wiilkana, isaga ayaa u dammaanaqaaday lacagta iskoolka iyo wax kasta oo uu u baahdaba.
Caaggane, murugadii haysay waa deysay, waxa uuna helay aabbe kale oo xannaaneeya, koolkooliya, la taliya, dhiirrigeliya, isla markaasna waxa uu raba siiya. Iskoolkii marka uu si wanaagsan u dhammaystay, ayaa macallin Nuur haddana, jaamacad ku daray. Markii uu dhammeeyay jaamacaddii, ayaa Caaggane shaqo fiican waxa uu ka helay haayadda IOC.
Hawshiisii koowaad waxa uu ka bilaabay, in uu macallin Nuur wax taro. Macallinku oday buu ahaay oo shaqada uu ku jiray dan baa u geynaysay mooyee ma uusan kari karin; kolkaas buu shaqadii ka joojiyey, isaga oo biilkiisa dhabarka saartay. Macallin Nuur oo aan wax awlaad ah hore u dhalin; isaga iyo xaaskiisiiba, waxa uu soo dejiyey guri weyn oo Caaggane iyo hooyadi ay degganaayeen oo uu kireeyey markii uu shaqada helay.
Caaggane si weyn ayuu isugu dayay, in uu wanaaggii macallin Nuur u sameeyay, intii karaankiisa ka abaalgudo. Gaari uu wato, ayuu marka uu shaqada ka yimaado, inta uu Macallinka ku kaxeeyo, ayuu meelaha ku soo wareejiyaa oo mar maqaayad geeyaa, mar hoteel, mar carwo, marna meelaha mijabaxsiga loo tago. Waxa uu helo oo dhan, marka masruufka laga reebo, Macallinka ayuu ku kharash gareeyaa, wax aan ‘Aabbe’ ahaynna ma dhaho. Waxa uu u noqday wiil uu dhalay oo baarri ah.
Caaggane, tolkiisii ayaa la yaabay oo dhawr jeer weyddiiyey, sababta ninkan uu aabbe u dhaho, iyo waxa uu dhaqaalihiisa oo dhan ugu bixinayo. Aad bay uga xumaadaan koolkoolintiisa odayga ay shisheeyaha u arkaan, kolkaas baa Caaggane maalin arrintaan meel fagaare ah lagu weydiiyey, waxa uu ku jawaabay hadal beeshii quusiyey oo ahaa, “Kolkii aan abbahay waayey, ayuu aabbe ii noqday anna hadda ayaan wiil u ahay.”
FG: Sheekadani waa mid ka mid ah 53ka sheeko ee ku jirta buugga CIBRO ee soo baxay sannnadka 2018ka
Waxaa Qoray: Suldaan Nayruus