Madaxweyne Shariif oo bogaadiyay dardarta uu ku socdo dagaalka lagula jira khawaarijta

Madaxweynihii hore ee JFS , Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa bogaadiyay halganka Khawaarijta looga xoreeyay degmooyinka Ceel-dheer, Galcad iyo Xarardheere ee gobollada Mudug iyo Galgaduud, kuwaas oo 24 kii saac ee la soo dhaafay laga fara maroojiyay cadowgii ummadda ee muddo haystay.

“Waxaan bogaaadinayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dadka deegaanka oo ku guulaystay dib u xoraynta Galcad, Ceeldheer iyo Xarardheere” ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Madaxweyne Shariif ayaa bulshada Soomaaliyeed ka codsaday inay sii wadaan garab istaagga xooggan ee ay u muujiyeen Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.