Khawaarijta oo Seddex Magaalo muhiim ah lagala wareegay(WARBIXIN)

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dib u xoreeynta degaanka ayaa si buuxda u la wareegay gacan ku heynta Magaalooyinka Galcad iyo Ceeldheer oo ka tirsan Gobolka Galguduud iyo  Xarardheere ee koonfurta Gobolka Mudug ah, waxayna Ciidamadu ay degaanadaasi ka wadaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga degaanadaasi,mana jirin wax iska hor imaad ah oo ciidamadu ay la kulmeen,kooxda khawaarijta.

Haddaan dib u jaleecno taariikhda Magaalooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere, aynu ku bilowno Magaalada Ceeldheer waxaa degmo ahaan loo magacaabay sanadkii 1963-kii, waxayna Muqdisho u jirtaa 320km, iyadoo markii hore la oran jiray Mareeg, kadibna loo soo wareegay deegaanka ay hadda ku taal, waxaana lagu xasuustaa waa meeha uu ku dhashay AUN Janeraal Daaud Cabdulle Xirsi, Cali Geeddi Shadoor oo laga soo dooran jiray Magaaladaasi sanadihii 60-meeyadii iyo masuuliyiin kale, waana Deegaan ku fiican dhinacyada Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumeysiga.

Magaalada Xarardheere waxay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee laga dhiso gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, waxayna Magaalada Muqdisho u jirtasa masaafo dhan 500km, waxaa iyada lagu xasuustaa waxaa ka soo jeeday AUN Madaxweynhii labaa ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Generaal Salaad Gabeyre Sabriye, Maxamed Saciid Ciyoow Gentelman oo deegaan doorashadiisu aheyd Xarardheere sanadihii 60-meeyadii iyo masuuliyiin kale, Magaaladaasi ayaa waxa uu dhaqaalaheedu ku tiirsan yahay dhinacyada Xoolaha, Beeraha iyo Kalluneysiga.

La wareegiidda Magaalooyinka Galcad, Ceeldheer iyo Xarardheere waxaa ka hadalay Mas’uuliyiin badan, waxaana ka mid ahaa Madaxweynhii hore ee Maamul-goboleedka Galmudug Cabdkariin Xuseen Guuleed, wuxuuna soo saaray qoraal uu ka hadlaayo Dib u xoreynta Deegaannadaasi, wuxuuna qoraalkiisa cinwaan uga dhigay “Xoonkii Al-Shabaab ee bartamaha dalka oo maanta go’ay.” Taas oo uga hadlayo guulaha ciidamadda dowladda iyo la wareegista degmada Xarardheere.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in qabashada degmada Xarardheere ay tahay guul weyn “Gacan ku dhigista degmada istiraatiijiga ah ee Xarardheere ee gobalka Mudug waa talaabo muhiim ah oo wax weyn ka tareysa halganka ciribtirka kooxaha Argagaxisada ah.”.

Degmada Xarardheere waxay aheyd saldhig muhiim u aheyd kooxaha Argagaxisada, iyadoo aheyd xaruunta saadka iyo sahayda ay ka soo dajistaan, goob ay qaraxyada ka soo abaabulaan. sidaa daraadeed ka qabshadeedu waxay ka dhigan tahay “Xoonkii Alshabaab ee bartamaha dalka Soomaaliya oo maanta la jaray”. Ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee Galmudug.

Mas’uuliyiinta kale ee ka hadashay waxaa ka nid ah Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sh. Cadaala oo si qoto dheer uga hadlay, ayaa waxa uu sheegay in Magaalada Xarardheere ay tahay magaalo fac wayn, kana mid ah magaalooyinkii ugu hor qaatay maqaamka Degmonimo Gobolada dhexe, waa magaalo leh Taariikh ilbaxnimo, isagoo intaasi raaciyay in ay  jiraan arrimo dhawr ah oo ka dhigay mid ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan Xukunka Khawaarijta, waxaana loo arka in ay ku jirtay shanta Magaalo ee ugu muhiimsanaa Khawaarijta, isagoo sababeynaayana waxa uu qormadiisa ku sheegay.

Sababo badan ayaa jiray, balse waxaan soo qaadanayaa Dhawr qodob kuwaas oo mudan in loo iftiimiyo Bulshada.

1- dhoofiinta iyo soo dajinta dambiilayaasha.

Khawaarijtu waxa ay Magaaladaan u isticmaalijireen in ay ka dhoofiyaan kana soo dajiyaan dambiilayaasha Caalamiga ah kuwaas oo ka faaiidaysnjiray Dekadaha Nacmalka ah ee ku dhaw Magaaladaas kuwaas oo u sahlan in laga dhoofo lagana soo dago kuna furan Bad waynta India iyo Badda Cas Labadaba.

2- daabulista Hubka iyo Walxaha Qarxa.

Xarardheere sidoo kale waxeey Khawaarijta u ahayd goob ay u isticmaalaan isku gudbinta Hubka iyo Waxyaabaha Qarxa iyaga oo uga faaiidaysanjiray isla dakadahaas macmalka ah, sidaas awgeed waxeey u ahayd Marin aad muhiim ugu ah in ay helaan agabka Dagaal ee ay u baahanyihiin Khawaarijtu.

3- Askaraynta Caruurta.

Khawaarijtu isla Magaaladaan waxeey u isticmaalijireen uruurinta iyo askaraynta Caruurta ay kasoo qafaashaan qooysaskooda taas oo ka dhigaysay Xarardheere Xarun aad muhiim ugu ah Khawaarijta gaar ahaan soo saarista Bini-aadamka ay Khawaarijtu u badashay Bambooyinka Qarxa.

4- cabsi galinta Qabaailka.

Maadaama Xarardheere tahay Magaalo Kulmisa Qabaail badan, Khawaarijtu waxeey u isticmaali jirtay Magaaladaan in ay ku kulmiso kuna cabsi galiso Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Deegaanka iyaga oo markasta halkaas ku gudbin jiray fariimaha Cabsi galinta ah ee beelaha ay u dirayeen.

5- Xoolaysiga Khawaarijta.

Xarardheere, waa Magaalo Kulmisa, Xoolo dhaqato, Beeraleey iyo Kaluumaysato sidoo kale waxaa Magaalo ahaanteeda ku tiirsan dhul aad u balaaran oo dad farabadan ku noolyihiin, sidaas awgeed, Khawaarijta waxa ay u ahayd hal Bawle dhaqaale oo ay ka helaan Baad aad u badan.

Isku uruurinta Qormadayda, Khawaarijtu in ay lumiyaan Xarardheere waxeey ku tahay dhabar jab baaxad leh, waxaana ka xirmaya Marinkii ugu waynaa ee kala gudbinta Hubka iyo Dambiilayaasha, waxeey luminayaan il Dhaqaale oo aad u wayn, waxeey luminayaan Warshad wayn oo soo saarijirtay bini’aadamkii bambaanooyinka noqday, waxaa gacantooda ka baxaya Tobaneeyo Qabiil oo xornimadoodu saamayn ku leedahay dhul Balaaran iyo ugu danbayn waxeey tani siibaysaa Xidiidkii Khawaarijta ee Gobolada dhexe oo dhan.

Dib u xoraynta Degmada Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad waa guul kale oo taariikhi ah, Guushaasina Ciidamada Qalabka Sida iyo Xoogagga difaaca bulshada ay ka soo hooyeen bilihii la soo dhaafay deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle, waxa ay ka dhigan tahay in awooddii hogaamineed ee Khawaarijta, siyaasad, dhaqaale iyo ciidanba uu burbur weyn soo gaaray,  sidoo kalena  waxa ay guulahaasi marqaati u yihiin sida wada shaqeynta xukuumadda iyo bulshada Soomaaliyeed, iyo hirgelinta siyaasadda cunaqabataynta dhaqaale, dagaalka xagga fekerka iyo warbaahinta (Istiraatiijiyadda Burburinta Cadawga) ee Khawaarijta lagu qaaday ay kaalin mug leh uga qaateen guusha millatari ee Ciidamada Qalabka Sida, waxaana Khawaarijta oo laga nadiifiyo Hirshabeelle iyo Galmudug ay uga dhigan tahay sidii kalluun biyo waayay, sida uu horey u sheegay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, waxayna Khawaarijtu lumiyeen 3 Magaalo oo muhiim ah muddo 8 saacadood gudahood ah.

Diyaariye C/laahi Ruush