1- Ugu horreyn waxa muhiim ah in la fahmo qaddiyadda xorriyadda islaamka dhexdiisa ma arrin caqligu maareeyo baa mise waa arrin sharcigu maareeyo?
Innaga oo aan meel dheerba ka raadinin sax ahaanshuhu waa in ay tahay arrintani masalo shareecada looga dambeynayo waayo suurtagal maaha in caqliga oo qura lagu garto wax badan oo ka mid ah Axkaamta Shareecada ee xiriirka la leh qadiyadda xorriyada sida Axkaamta Gibilka (jizyada), Xadciqaabeedyada maxaa waajibiya iyo maxaan waajibin oo xiriir la leh xorriyada kana mid ah Axkaamta Shareecada.
sidaa darteed mar hadday tahay masalo sharciga looga dambeynayo taa waxay lamicno tahay in garashada saxda iyo qaladka ee arrinta xorriyada iyo xad u yeelista xorriyadduba ay yihiin keliya wax shareecadu uun ay go’aamin karto oo ay tahay in iyada la daba galo. wixii nusuus ah ee arrintaas ku saabsan ee ku sugan Quraanka iyo Sunnada la isu keeno ee aan inta la soo kala googooyo aan qaar daaqadda laga tuurin .
Nusuusta oo la isku wada keeno waxaa laga faa’idaa in naskii si saxan loo fahmo .
Tusaale marka aan rabno inaan fahamno hadalkii ilaahay yidhi ” diintu isku khasab maaha ” waxaynu fahmaynaa innagoo maanka ku hayna aayadda kale ee ah ” eeg ilaahaagii aad ahayd mid dulyuurura, waa gubaynaa, dabadeedna badda ayaanu ku daadinaynaa daadin”
iyo sidoo kale hadalkii ilaahay yiri isagoo dhalleecaynaya reer banii israa’iil ” waxay ahaayeen kuwo xumaan ay sameeyeen aan iska reebin , waxaa xumaaday waxay samayn jireen”
iyo aayaddii suuratu nuur ” sinaysatada iyo sinaystaha jeedala mid kasta boqol jeedal ” markaa waa qalad in la isku dayo fahanka aayadahan iyaga oo kala tagsan
Nusuustaas oo dhan waa in iyagoo wadajira la fasiraa ee aan midba xero gaar ah lagu oodan.
2- Si aan u fahanno aragtida saxda ah ee islaamku ka qabo xorriyada waa inaynu ogaanaa marka hore inay jirtoo saameyn iyo cadaadis weyn oo ka socda dhanka libraaliyada galbeedka kaas oo keenay samaysanka aragtiyo tashwiish ku furanyahay oo laga aamminay xorriyadda .
Sidaa darteed waa lagama maarmaan inuu aqoonyahanku kala sooco astaamaha xorriyada galbeedka iyo astaamaha xorriyada islaamka, taas macneheedu maaha in wax kasta oo xorriyad ah la diido hadday galbeedba ka timaaddo, saas maaha ee ujeedku waa in la barto tilmaamaha sharciga ah ee xorriyadda loona fahmo qaab ka fog saameyaha dibadda ka imanaya, ka dibna la barto fahamka islaamka khilaafsan, dabadeedna si cilmi ku dhisan loola dhaqmo waaqica iyo waxyaabaha ka jira .
3- fahamyada islaamku ka haysto xorriyada ee aan meel kale oo aan islaamka ahayn laga helayn waxaa ka mid ah in aadamaha laga xoreeyo inuu addoon u noqdo maalka iyo rabitaankiisa (hawadiisa) . rasuulkeenna scw waxaa ka sugnaatay inuu yiri ” waa hoogay kan addoonka u ah diinaarka, dirhamka, marada, waa hoogay oo dib isu guray, hadday qodaxi muddon alla kaama saaro ”
4- marka la joogo fagaaraha xorriyadda waa muhiim in la kala saaro waxa qofku aamminayo ee uu qalbigiisa ku haysanayo iyo waxa uu dadka u soo muujinayo, islaamku waa aqbalayaa inay dhulkiisa ku noolaadaan gaalo haddii laga helo shuruud ay ka mid tahay inaanay la soo bareerin durista islaamka, korna u qaadin gaalnimadooda.
qodobkanna waxaa ka dhaca isku qas badan oo dad badan ayaan labadaas arrin kala saarin, markaas baad arkaysaa dad ku baaqaaya in gaalada loo jideeyo xeerar ka dhigaaya muslimiinta oo kale xaqna u siinaya inay diintooda fidin karaan taas oo daliil looga dhiganayo wadanoolaanshihii gaaladu ay la noolaayeen muslimiinta ee beryihii hore, taasina waa qalad waayo waxay qalbigooda iyo guryahooda gaarka ah ku haystaan waa shay, waxa ay baahiyaan ee ay soo muujiyaanna – ee gaalnimada ah – waa shay kale .
taas waxaa ka agdhow : isku khaladka laba arrin oo kala ah in islaamku qofka xorriyad u siiyay inuu wixii diin ah ee ka shaki gala cid weydiin karo iyo in lagu fidiyo shubahaadka dadka dhexdooda taas oo lagu fasahaadinayo dadka caqiidadooda iyo kalsoonidooda diimeed.
tan hore waa la oggolyahay oo waa waajib in ciddii shakisan aan laga xirin albaabka waxweydiinta, gorfeynta iyo wadahadalka laakiinse in shakigaas uu noqdo wax la baahiyo dadka kalena lagu sii dhexfaafiyo maaha wax la aqbali karo waana munkar sharcigu qabo in la inkiro.
WD: Ibraahim Warsame