Cabdikariin Xuseen Guuleed “Xoonkii Al-Shabaab ee bartamaha dalka oo maanta go,ay”

Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo saaray qormo uu ciwaankeedu kaga dhigay “Xoonkii Al-Shabaab ee bartamaha dalka oo maanta go’ay.” Taas oo uga hadlayo guulaha ciidamadda dowladda iyo la wareegista degmada Xarardheere.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in qabashada degmada Xarardheere ay tahay guul weyn “Gacan ku dhigista degmada istiraatiijiga ah ee Xarardheere ee gobalka Mudug waa talaabo muhiim ah oo wax weyn ka tareysa halganka ciribtirka kooxaha Argagaxisada ah.”.

Degmada Xarardheere waxay aheyd saldhig muhiim u aheyd kooxaha Argagaxisada, ayadoo aheyd xarunta saadka iyo sahayda ay ka soo dajistaan, goob ay qaraxyada ka soo abaabulaan. Sidaa daraadeed ka qabshadeedu waxay ka dhigan tahay “Xoonkii Alshabaab ee bartamaha dalka Soomaaliya oo maanta la jaray”. Ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee Galmudug.

Dhan kale Cabdikariin Xuseen ayaa bogaadiyay guulaha ciidamadda xoogga iyo xoogaga dib u xorreynta deeggaan ay ka gaareen dagaalka khawaarijta “Waa ku bogaadinayaa ciidamada Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaan guushaas ay soo hooyeen. Anagoo rajeynayna in magaalooyinka kale ee Galmadug ee wali gacantooda ku haray in ay deg deg u xoreyn doonaan.”.