Burcadkii ugu weynaa Talyaaniga oo gacanta lagu dhigay

Burcadkii ugu weynaa Talyaaniga ee sida weyn loo doon-doonayay ayaa lagu xiray jasiiradda Sicily kadib 30 sano oo lagu raad joogya.

Matteo Messina Denaro ayaa lagu soo warramaya in lagu xiray isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla caasimadda Sicily ee Palermo.

Waxaa la sheegay in uu madax u yahay kooxda maafiyada ah ee Cosa Nostra.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa ku warrantay in ninka markii la qabanayay lagu daweynayay isbitaalka.

Marar badan ayaa ninkan lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii uu geystay falal dil ah.