Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Khawaarijta ka xoreeyey magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud, sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Magaalada Galcad waxaa muddo badanĀ gacanta ku hayey Khawaarijta Al-shabaab oo dadka ku dhibaateen jiray,waxaana haatan ku jirtaa Gacanta Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka oo is garab sanaya.
Laamaha Amniga ayaa haatan xafadaha Galcad kawada baritaano amniga lagu xaqiijinayo.