Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo sagootiyay Safiirka Turkiga oo muddo xileedkiisa shaqo ee rasmiga ah uu ka idlaaday

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa xalay ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mehmet Yilmaz, oo muddo xileedka shaqo ee loo igmaday uu ka dhammaaday.

Kulankani sagootinta ah oo uu goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda waxa uu bogaadiyay dadaalka waxtarka leh ee uu muujiyay Danjire Mehmet Yilmaz ee adkaynta iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, isagoo u rajeeyay inuu guul joogta ah ka gaaro howlihiisa mustaqbalka.