Ciidanka Booliiska Galmudug oo wada howlgal lagu baadi goobayo dabley dilal ka geysatay gobolka Mudug

Ciidanka booliiska gobalka Mudug ayaa maalintii 2-aad ka wada deegaano ka tirsan gobalka Mudug howlgallo lagu baadi goobayo dableey hubeysan oo dad shacab ku laysay wadada u dhaxeysa deegaanada Kaxandhaale iyo Galgalad oo ku yaala galbeedka gobalka Mudug.

Taliyaha qeybta booliiska gobalka Mudug Gaashaanle dhexe Cali Muuse Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan ciidanka daraawiishta Galmudug ayaa bulshada deegaankaasi la qaatay kulan looga arrinsaday sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggaasi baxsadka ah.

Sidoo kale, Saraakiisha Booliiska ayaa ballan-qaaday in ay caddaalad heli doonaan dadka dilka iyo dhaawac loo geystay, isla markaasna gacanta loogu soo dhigi lahaa dableeydii weerarka hubeysan geystay.