Shir ku saabsan hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo ka furmay Nairobi

Magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya waxaa shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda, hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo dhammeystirka sharuudaha Barnaamijka deynta cafinta Somaaliya uga furmay xubno ka socda dowladda federaalka, hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi Maxamuud Nuur oo furay shirka ayaa sheegay in shirkan muddada saddexda cisho ee uu socdo diiradda lagu saari doono halbeegyada dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay in shirkaan uu daba socdo kullammo isdaba joog ah oo ay horrey u la yeesheen Madaxda hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka kuwaasi oo xoogga lagu saaray arrimaha Maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale, Shirka ka qeyb galaya wasaaradda Qorshaynta Qaranka Soomaaliya, Wasaaradda Batroolka, Bangiga dhexe ee Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya,Ra’iisul Wasaaraha iyo Hey’adda Dowladda Federaalka Soomaaliya.