Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in ay xoojinayaan dagaalka lagu ciribtirayo Argagixisada

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo uu weheliyo wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta gaaray degmada Wasil ee gobolka Mudug.

Wafdiga madaxweyne Qoor Qoor oo ay soo dhoweeyeen wasiiro, xildhibaano, saraakiil ciidan iyo xubno ka tirsan maamulka ayaa ujeedka socdaalkooda wuxuu daaran yahay sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka Khawaarinta ee ka socda gobolka Mudug iyo guud ahaan deegaanada Galmudug.

Wasiirka Gaashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo soo dhoweynta ka dib, hadlay ayaa sheegay in shacabka Galmudg kaalin muuqata ay ka qaateen dagaalka dalka looga ciribtirayo argagixisada.

Sidoo kale, madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa tilmaamay in Khawaarijta laga saaray deegaanno badan oo dhaca Koonfurta gobolka Mudug, sidoo kalena ay sii xoojinayaan dagaalka.