Ciidanka DF oo gacanta ku dhigay Horjooge ka tirsan Khaawrijta

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xooggaga kacdoonka dadweynaha ayaa Khawaarijta Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay Cabdi Cali Gadiid oo ah Horjooge ka tirsan Khawaarijta, xilli  uu saanad u waday kooxda lagu baacsanayo deegaankaas.

Ciidamada qaranka iyo oo kaashanaya xooggaga kacdoonka dadweynaha ayaa ayaa Khawaarijta ka saaray deegaanno badan, kuwaas oo hadda laga dareemayo nabad iyo horumar.