Haddii aan eegno cudurada ka dhasha nadaafad la’aantu waxaynu arki karnaa aafada iyo khasaaraha badan ee isugu jira naf iyo maalba ee ay sababaan, waayo cudurada ka dhasha nadaafad xumida waxaa ka dhasha, xanuuno fara badan kuwaasoo keeni kara dhimasho, waxaa kaloo ka dhasha in dad badan cisbitaalo u galaan, kuwaasoo u baahanaya daryeel caafimaad oo ku baxaya dhaqaale fara badan.
Waxaa intaa oo dhan loogu badbaadi karaa, Hadii ruux walba jirkiisa,
dharkiisa iyo gurigiisaba nadaafad leeyihiin waa soo baxaysa bulsho iyo balad wada nadiif ah, marka wadada aad mareyso Ishaada iyo ruuxdaadaba ay ku doogsanayaan
Bal qiyaas, xanuunka, War-warka, dhimashada, wakhti dhuminta iyo lacag kharash garaynta ay keenayso jiradu. Haddii waxaas oo dhan oo dhib ah ay keenayso nadaafad la’aantu maxay tahay sababta aan ugu dadaali la’nahay nadaafadda, oo aan nafteenna u bari la’nahay nadaafada?.
Diinta Islaamku waxay na faraysaa inaan ku dadaalno nadaafadda jir ahaan, ruux ahaan iyo deegaan ahaanba ama barta aan ku nooshahay, taasoo haddii loo wada guntado keenaysa dad iyo deegaan wada nadiif ah.
Diinteenna, Waxay na amraysaa in aynu qurux badnaano ‘Ilaahay wuxuu jecelyahay, kuwa u soo noqda oo xumaanta ka toobad keena.’
Baqara. Ayaada 222. Nadaafadu waa dhaqan iyo tarbiyo la barto. Haddii aanu qofku arag dhaqan ficil ah oo ku saabsan nadaafada, isla markaasna aan lagu tababarin marka uu yar yahay, kuma dhaqmi karo ileen lamaba soo barine!. Tacliinta iyo baraarujinta ku saabsan nadaafada iyo macluumka caafimaadku waxay dadka ku abuuraan dareen ay isaga ilaalinayaan khatarta ka dhalan karta nadaafad xumada.
Inkasta oo dhaqanka Islaamku caawinayo nadaafada, haddana waxaan u baahanahay wacyigalin dheeraad ah oo ku saabsan nadaafada. Dhaqanka ka soo jeeda miyiga iyo biyo la’aanta iyo wax barashada guud oo dadkeena ku yar, waxay ka qeyb tahay inaynaan aad u fahmin kuna dadaalin nadaafada.
Isdifaaca iyo ilaalinta dhaqanka iyo diintu waa shay muqaddas ah oo aadanaha oo dhan ku abuuran. Qofku inuusan wax ogayn ceeb ma’aha, ee waxaa ceeb ah inuusan wax baran.
Haddii aan ka faa’iidaysano wixii ay diinteena sharafta toosan iyo dhaqankeena sharafta badan waxa aan noqon laheyn dadka ugu nadaafadda badan waxaana ka bad baadi laheyn cudurrada badan ee mar walba dadkeena la dilaaca ee nadaafad daridu sababato dad badanna ay u la’daan mar walba.
Haddii aynaan caruurteena barin sidii ay isu nadiifin lahaayeen yaa kale oo baraya. Guriga kuma barno caruurta sidii ay kaadida iyo saxarada isaga dhaqi lahaayeen, mana lihin xarumo kale oo ciyaalka lagu baro wax yaabaha nolosha ku saabsan. Qofka aadanaha ah, dhadig ama lab, waxaa la xiriira wax yaabo joogto ah oo uu san marna ka fakan Karin ama ka maarmin oo dabeeci ah, ruuxa haddii aan wax yaabahaas si fiican loo barin si xun ayuu u isticmaalayaa. Nadaafaddu waa diin, waa Iimaanka barkii, waana in caado ka dhiganaa dhaqan ka dhiganaa.
WQ: Ibraahim Warsame