Wasiirka Amniga Galmudug oo sagootiyay Ciidamo ka qeyb galaya howlgalka xorreynta degmada Xarardheere

Wasiirka Amniga Galmudug,  Maxamed Cabdi Gaboobe oo ay wehliyaan xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan ayaa deegaanka Saqiiro ee koonfurta gobolka Mudug ka sagootiyay Ciidamo loo diyaariyay xorreynta degmada Xarardheere.

Wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ayaa ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga dib u xorreynta kula dardaarmay in ay xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab.

Howlgalka xoreynta degmada Xarardheere iyo deegaanada hoos taga ayaa meel wanaagsan maraya, iyadoo isla maanta ay ciidamadu Khawaarijta ka xoreeyeen degaanka Ceelhuur.

May be an image of 4 people, people standing and outdoors

May be an image of 10 people, people standing and outdoors

May be an image of 4 people, people standing and outdoors

May be an image of 11 people and outdoors