Magaalada Muqdisho waxa Ku soo badanaya dadka aad u cuno dalagyada dalka Ka soo go’a sida Digirta, Galayda, Salbukada, Qamadida, Masagada iyo dalagyo kala duwan ee dalka Ka soo baxa.
Bulshada Soomaliyeed ayaa baraarug sameeyeen sababtoo ah dalaga dalka Ka soo go’a dadka waxa uu u horseedaa caafimaad Taam ah, Jirka oo Ku dhisma iyo jirka oo nafaqa isku dheeli tiran hela taasi oo bulshada Soomaliyeed u horseedi karta in ay Ka bad baadaan Raashinka laga keeno dalka dibadiisa oo aanan laheen kontrool la aan ah .
Dalagyada dalka ka baxa cunistooda ayaa Ku bilaawatay kadib markii dad badan oo Soomaaliyeed lagu sheegay xanuuno badan sida xanuunka dilaaga ah ee Cancerka ah taasi oo naf badan galaaftay waxaana loo aaneenaya Raashinka dalka dibadiisa laga keeno oo aanan laheen kontrool la aan ayna Bulshada Soomaliyeed ay naftooda qatar gasho ayna haleelaan cuduro halis ah.
Beeraleyda ayaa iyana belaabay abuurista dalagyada kala duwan ee dalka laga cuno Kuwaas oo soo saara dalagyada iayaga oo u iibgeeya Suuqyada dalka gaar ahaan Caasimada suuqyadiisa kala duwan halkaas oo ay Ku iibiyaan.
Qiimaha Dalagyada Dalka Ka soo go’a ayaa aad u sii sara kacaaya taasi oo laga dareemaayo Caasimada magaalada Muqdisho halkii koobo oo salbukada aha waxaa laka iibsanayaa 35kun oo shilin soomaali taasi oo Ka dhigan dalagyada ay sara u kaceen qiimaha la iibiyo taasi oo Ka dhigan in ay dadka Ku nool Caasimada ay aad u cunaaan.
Hadaba yey tahay dadka aad u cuna dalagyada dalka ka soo go’a?
Intabadan dalagyada dalka ka soo go’a waxaa aad u cuna dadka ka xamaasha suuqyada magaalada muqdisho waxaana aad loogu kariyaa maqaayadaha halkaas oo ay bulshada iskugu yimaadaan kuna dalbadan sida Soorta, Digirta, Salbukada , Muufada laga sameeyo galeyda iyo kuwa badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin ayey u badan yihiin bulshada cunistood.
Taqaatiirta ayaa intabadan dadka soo maaliyeed kula taliyaan in ay iska daayaan cunista burka , bariiska iyo baastada oo cuduro halis ah ay mararka qaarkood sababaan taasi oo ay u dhintaan bulshadii soomaaliyeed.
Taqaatiirta ayaa sidoo kale dadka kula taliyaan cunista dalagyada dalka ka soo go,a sida Soorta, Digirta, Qamadida, Salbukada iyo qudaarta taasi oo ay ka helayaan caafimaad isku dheelitiran jirkoodana ay ka helayaan furfurnaan iyo nashaad.
Hadaba talaguud waxaan siinayaa umadda soomaaliyeed in ay iska yareeyaan inta karaankooda ah cunista cuntooyinka laga keeno dalka dibadiisa oo aan lahubin waxa ay yihiin in uu tariiqdooda dhacay, in uu yahay rashin aan kuwaalati laheen, iyo in waxyaabo lagu soo qariyey.
Hadaba waxa aad u bad sataan cunista dalagyada dalka kazoo go’a taasi oo nolashiina u horseedeysa caafimaad qab, jirka oo kuu dhisma, muuqaalkaaga oo isbadala, lafaha oo kuu adkaada iyo in cuduro badan uu jirkaaga ka hortaga.
WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.