Mid kamid ah khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan Buulo-burde January 13, 2023

Cabdi Xasan Qooreey oo ka mid ahaa kooxaha khawaa ayaa isu soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Cabdi Xasan oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo ciidamada dowladda,isla markaana uu qeyb ka noqdo ciidanka la dagaalamaya khawaarijta.

Dhinaca kale,Guddoomiyaha Degmada Bulo-burdeXasan Maxamed Cabdi ayaa sheegay in qof kasta oo ka soo laabta fikirka khawaarijta uu xaq u leeyahay in la soo dhoweeyo

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in laga faa’ideydto fursadaha ay dowladdu ugu yaboohday dadka doonaya in ay ka soo baxaan khawaarujta