Madaxweyne Xasan Sheekh oo kumanaan shacab ah kala qeyb-galaya banaanbaxa Kacdoonka Muqdisho iyo Dabar-goynta Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kumanaan shacab ah kala qeyb-galaya banaanbaxa Kacdoonka Muqdisho iyo Dabar-goynta Khawaarijta ee hadda ka socda garoonka Eng. Yariisow.

Goobta banaanbaxa uu ka socda waxaa ku sugan kumanaan Shacab ahoo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasi oo ay ka go’an tahay dagaalka Khawaarijta, islamarkaana doonaya inay ka qeyb qaataan kacdoonka looga soo horjeedo Argagixisada.