Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay deegaanka Ceel-bacad ee Gobolka Shabeellada Dhexe

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya xoogaga difaaca shacabka ayaa howlgal qorsheysan kula la wareegay deegaanka Ceel-bacad ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa warbaahinta u xaqiijiyey xorreynta Ceel-bacad oo dhaca xuduuda Hirshabeelle iyo Galmudug.

Jen. Caanood ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in khawaajijta oo ku soo jabay deeggaano badan, ogaana in guluf ciidan ku soo wajahan yahay inaysan ku hakan deegaanka Ceel-bacad, waxaana uu tilmaamay in ka hor ay shacabka dhibaato badan ku hayeen balse haatan laga dulqaaday.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in howlgaladdu ay si xowli ah u socdaan, lagana xorreynayo deeggaanka walba oo ay ku suggan yihiin kooxda khawaarijta