Wasiirka dhallinyaradda iyo Ciyaaraha ee XFS oo ka qeyb-galay doodda tallo-wadaag oo looga hadlayay kaalinta dhalinyarada ee dowlad

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka qeyb-galay doodda tallo-wadaag oo looga hadlayay kaalinta dhalinyarada ee dowlad dhiska iyo horumarinta dalka.

Doodda tallo-wadaag oo qayb ka ahayd kulanka wadatashiga dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay iska kaashadeen Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha iyo qaybo ka mid ah ururrada dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa lagu wadaagay doorka dhallinyarada ee horumarka dalka iyo dowlada wanaagga.

Doodda tallo-wadaag oo ay soo agaasinray wasaaradda dhallinyaradda iyo ciyaraaha ee XFS ayaa waxaa ka qeyb-galayXildhibaanno ka tirsan golaha Shacabka ee BJFS, agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo in ka badan 200 oo dhalinyaro ah.

waxaana looga dooday kaalinta dhalinyarada ee dowlad dhiska gaar ahaan Marxaladdan kala guurka ah ee la rajaynayo in dalka la xorreeyo lagana hirgeliyo doorasho toos ah oo dadka Soomaaliyeed ay ka wada qayb-galaan.

Wasiir Maxamed Barre iyo dhammaan Xildhibaannadii doodda ka qayb-galay ayaa kula dardaarmay dhalinyarada inay iskaashadaan oo muujiyaan isku duubni si ay uga mira-dhaliyaan qorshaha dhalinyarada ee hogaaanka dalka iyo qorshaha guud qaranka.