Wararka Caalamka Ruushka oo taliye cusub u magacaabay ciidamada ka jooga Ukraine

Madaxda Ruushka ayaa u magacaabay General Valery Gerasimov inuu hogaamiyo dadaalada dagaalka ee ka dhanka ah Ukraine,kadib kolkii xilkaasi laga qaaday Sergei Surovikin, seddex bilood ka dib markii loo xilsaaray inuu kormeero waxa Moscow ay ugu yeertay “howlgal militari ee lagu qaaday Ukraine.

Kooxda Wagner ayaa sheegtay in ay qabsadeen dhammaan magaalada Soledar ee dhacda bariga, waxayna dileen ilaa 500 oo askari oo Ukraine ah kadib dagaal culus,hasa yeeshee Ukraine ayaa beenisay in magaalada ay gacanta u gashay Ruusjka, waxayna sheegtay in dagaalku uu sii socdo.

Guddoomiyaha Donetsk Pavlo Kyrylenko ayaa sheegay in aysan suurtagal ahayn in la daadgureeyo 559 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan 15 carruur ah ,kuwaas oo ku haray Soledar dagaalka socda awgeed.