Wasaaradda Caafimaadka ee XFS oo ka digtay isticmaalka labo daawo oo sharoobo ah

war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshadda ee XFS ayaa lagu sheegay inay wasaaraddu heshay digniino caalami oo la xariira dhibaatada Labo daawo oo sharoobo ah oo loo isticmaalo daaweynta xanuunada ku dhaca Neefmareenka.

Hoose ka akhri warbixinta ka soo baxday wasaaradda Caafimaadka:

Wasaaradda Caafimaadka iyo Dareyeelka Bulshada XFS  gaar ahaan qeybteeda maareynta daawada ayaa waxay heshay Digniino Caalami ah oo ku aadan waxyeelada laba daawo oo sharooba ah kuwaas oo loo isticmaalo daaweynta xanuunada ku dhaca Neefmareenka.

Labada Sharoobo ayaa kala ah: AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup oo soo saarto  shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay Dalka India.

Wasaaradda Caafimaadka ma xaqiijin karto in Dawooyinkaas Dalka Yaalaan, laakiin ayadoo laga duulayo masuuliyada Wasaaradda ka saaran ilaalinta badqabka Caafimaad ee Muwaadiniinta Dadkeena  waxay ogeysiinaysaa qodobada hoose.

  1. In Dhammaan Dhaqaatiirta Soomaaliyeed aysan u qorin bukaanadooda.
  2. In Ganacsatada Soomaaliyeed ay joojiyaan ka ganacsiga Sharoobooyinka kala ah: AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup oo soo saarto shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay Dalka India.
  3. Waxaa Sidoo kale lagu baraarujinayaa Shacabka Soomaaliyeed inay ka taxadaraan Dawooyinkaas oo Qatar caafimaad u keeni kara caruurtooda.

Baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo Hay’adda Maareynta Daawada ee Dalka Oozbakistan ayaa lagu ogaaday in daawooyinkaas tayadoodu hoosayso, kuna jiraan xaddi badan oo kiimikaalis sun ah oo waxyeelayn kara habdhiska Jirka.

Fadlan Fariintaa la wadaag oo gaarsii bulshada inteeda kale si’aan u hubino badqabka Dadkeena.

FG:

Fadlan halka hoose ka akhriso Faahfaahinta Macluumadka aan helnay.