Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Gudoomiyay Shirka Banbaxa Maamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Gudoomiyay Shirka Banbaxa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar oo maalintii labaad galay.
Madasha uu shirkan ka socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay doodo la xariira horumarin Caasimadda, sida Amniga, Nadaafada, Cadaaladda, Dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Sports-ka, la dagaalanka Musuq Maasuqa iyo qodoba kale oo ku saabsan in sida ugu haboon loo xaliyo caqabadaha kala duwan ee jira