Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis waxbarasho+Sawirro

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS Mudane, Faarax Sheekh C/qaadir ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista Sayniska ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Dr. Maxamed Ayman Cashuur.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada sayniska iyo waxbarashada ee la xiriira Jaamacadaha iyo xarumaha tacliinta sare.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ergeyga Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa bogaadiyay horumarka weyn ee ay Masar xiligan ka samaysay dhinacyada arrimaha bulshada, gaar ahaan qeybaha tacliinta sare iyo tayeynta Jaamacadaha gaarka loo leeyahay, isagoo ka mahadceliyay dadaalka Masar ay ugu jirto taageerada Jaamacadaha Soomaaliya tayeynta iyo horumarinta awoodda jiilashada soo koraya si ay ugu adeegaan dalkooda.

Safiir Ilyaas ayaa sheegay in labada Wasiir ay isku afgarteen in la kordhiyo Isdhaafsiga wafuudda ee dhinacyada Cilmiga iyo waxbarashada, sidoo kalena la isku dhaafsado booqashooyin kala duwan oo ay isugu imaanayaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta tacliinta sare ee labada dal, iyadoo lays weydaarsanayo khubaro kala duwan ee dhinacyada Sayniska, Farsamada iyo Maamulka ka dhexeeya xarumaha tacliinta sare Jaamacadaha iyo xarumaha cilmi-baadhista.

Heshiiskan ayaa kor u qaadaya is-dhaafsiga manhajka iyo barnaamijyada tacliinta iyo in ardayda Soomaaliyeed ay wax ka bartaan Jaamacadaha dalka Masar, waxa uuna rajo ka muujinayaa in uu kordhin doono deeqaha waxbarasho si loo diyaariyo jiilal Soomaaliyeed oo awood u leh in uu wajaho caqabadaha jira.