Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis ku saabsan howlaha Xajka ee sanakan 2023

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Muqtaar Rooboow Cali ayaa magaalada Jiddeh ee dalka Sacuudiga kula kulmay Wasiirka arrimaha Xajka iyo Cumrada ee dalka Sacuudi Carabiya , Dr. Tawfiq Al-Rabiah.

Labada Wasiir ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa qorshaha  howlaha Xajka ee Sanadka 2023-ka, iyagoo kala saxiixday heshiis ku aaddan jaanjooyada Juxeyda Soomaaliyeed.

Qodobbada ay labada mas’uul kala saxiixdeen ayaa waxaa ka mid ah in Soomaaliya loo oggolaaday Sanadkan 11,500 (Kow iyo toban kun iyo shan boqon) oo Xujey ah iyo inaan wax shuruud ah oo ku saabsan xayiraadihii Corona Virus aan lagu xirin.

Kulanka ayaa waxaa Wasiirka ku wehliyay Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jiddeh, Axmed Maxamuud Diiriye (Macruuf), iyagoo ka qeyb galay marti qaad ballaaran oo loo sameeyay dhammaan Wasiirrada Xajka iyo arrimaha Diinta ee dunida Islaamka.