Ra’iisulwasaare Xamse oo gurigiisa Qaahira ku booqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qayb ka yihiin Wasiirka Warfaafinta,wasiir ku xigeenka arrimaha Diinta iyo awqaafta, Safiirka safaaradda Soomaliya ee Dalka Masar iyo la taliyaha xiriirka Caalamiga ah ee Ra’iisulwasaaraha ayaa xalay gurigiisa magaalada Qaahira ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Ra’iisulwasaare Xamse ayaa Madaxweyne Cabdiqaasim uga xog warramay xaaladda guud ee dalka.

“ Waxaan ugu tagay in aan hubiyo xaaladdiisa caafimaad iyo in aan uga xog warramo halka uu dalku marayo, gaar ahaan xaaladda guud ee Amniga iyo Siyaasadda” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Madaxweynihii hore Soomaaliya ayaa dhankiisa soo dhaweeyay booqashada iyo dadaalka ay waddo dowladda Soomaaliyeed ee hor kacayso dedaallada dib looga xoreynayo dalka kooxaha Khawaariijta ee dhibaatada ku haya shacabka, isagoo intaa raaciyay inuu ku rajo weyn yahay in sida ugu dhaqsaha badan uu dib ugu soo laabto kuna noolaado dalkiisa hooyo.