Caalamka oo u soo jeestay Ciribtirka Khawaarijta(Warbixin)

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii Nofember ee sanadkii 2022-kii u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, taas oo ay si weyn uga soo horjeesatay dowaldda Soomaaliya, iyada oo sheegtay in Al-Shabaab ay tahay koox argagaxiso ah oo weli si dhab ah u carqaladeyneysa nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dooday in loo baahan yahay in cunaqabateynta laga qaado, si ay Al-shabaab meesha uga saarto, waxaa kaloo walaac ka muujinaysay sii joogitaanka kooxda Daacish ee ku sugan Geeska Afrika.

Cunaqabaraynta ayaa waxa ansixiyey 11 dal oo u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, iyadoo dalalka Ruushka, Shiinaha, Gabon iyo Ghana ay ka maqnaayeen ansixinta qaraarkan, in kastoo Dowladda Soomaaliya ay taageero ka heleysay Midowga Afrika, si loo qaado cunaqabateynta hubka.

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin kordhinta cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaana uu ku ammaanay afarta dal ee ka aamusay in aysan taageersaneyn kordhinta cunaqabateynta hubka, waxa uuna ka digay in cunaqabateynta hubka oo ah tii ugu dheereyd ee Qaramada Midoobay ay caqabad ku noqoneyso dib u dhiska ciidamada Soomaaliya si looga hortago Al-Shabaab., balse Qaraarkan ayaa lagu sheegay in uu ilaalinayo cunaqabataynta hubka ee la ansixiyay, kaas oo mamnuucaya iibinta ama wareejinta qeybaha muhiimka ah ee walxaha qarxa ee ay Al-Shabaab adeegsato, mamnuucidda soo dejinta iyo dhoofinta dhuxusha iyo in la xayiro safarrada iyo hantida dadka khatarta ku ah nabadda, xiriirna la leh al-Shabaab, oo ay ku jiraan maalgelinta ama fududaynta hawlaheeda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qalabayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, waxaana jira Dowlado badan oo ka taageera sidii dib loogu dhisi lahaa waxaana ka mid ah Dowladda aan Walaalaha nahay ee Turkiya, iyadoo ciidamada Soomaaliya tababar ku siinayay dugsiga TÜRKSOM, tan iyo sanadkii 2017-kii, waxaana ka soo baxay saraakiil iyo askarta tayo leh oo meel uga soo baxay dalka, cadowgana kaga  fagaaraha dagaalka.

Waxaa kale oo ka mid Dowladaha nala garab jooga dib dhiska iyo qalabeynta Ciidanka Dowladda Maraykanka, waxay dhawaan soo gaarsiisay Dalka Hub iyo saanad ciidan, waxaana kala wareegay Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre ayaa munaasabadda ay ku wareejinayeen hubka, agab ciidan iyo gadiidka ka sheegay inay tahay deeqdan mid ay ugu talagaleen xoojinta la dagaalanka kooxda Khawaarijta ee argagixisada Al-Shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa uga mahad celiyey dowladda Mareykanka garab istaagga ay u muujiyeen ciidanta, ayna taageeradan fariin u tahay dalalka kale sida Soomaaliya ay ugu diyaar garowday ciribtirka argagixisada, laguna aamini karo hubka casriga ah, iyadoo Wasaaradda gaashandhigga mudooyinkii dambe xoojineysay dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Khawaarijta, ilaaiyo haddana laga xoreeyey deegano badan oo ku yaalla dalka, sidoo kale waxa ay xoojisay tayeynta iyo kor u qaadidda awoodda ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale waxaa jira in Ilaa iyo 61 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen beero ku yaala duleedka deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe sida uu warbaahinta u xaqiiyey wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala, kaasi oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Khawaarijta oo lagu qiyaasay tiradooda 150, oo doonayay inay weeraraan ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha deegaanka ee ku sugan Xawaadlay iyagoo sidoo kale goobta ku diyaariyay Gaadiid ay Qaraxyo ay ku xireen, kuwaasi oo kala ahaa Homey iyo Noah oo ay ku xireen waxyaabaha Qarxa ay qorshaynayeen inay soo galiyaan magaalada Muqdisho.

Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxay ka foojigan yihiin dhagar kasta oo shacabka kaga imaan karta Khawaarijta lagu jabiyay dagaaladii tooska ahaa oo ay la galeen Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha Shacabka Soomaaliyeed, waxaana dhawaan ka hadlay oo faahfaahin dheeri ka bixiyay Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Ganeraal Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, halka ay marayaan iyo guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray.

Generaal Caanood ayaa sheegay in guulo waa weyn laga gaaray howlgalka, islamarkaana deegaanno badan laga saaray Argagixisada, wuxuuna shaaciyay amarro la xiriira amniga iyo sida loo xasillinayo goobaha la xorreeyay, isagoo tilmaamay in aan la aqbali doonin dad shacab ah oo isticmaalaya furumaha dagaalka, taasi oo keeni karta in cadawgu ku soo dhex dhuunto dhibna uu ka geysta, sida qaraxyadii ka dhacay degamada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

“Waxaa mamnuuc ah in marka goobta lagu dagaalamay la qabto oo amniga la xaqiijiyo, in shacabka iyo gawaarida ka yimaada gobollada kale ay soo maraan goobahaas, taasi  oo bixin karto sirta ciidanka, waana in ciidanku ay sameystaan Aagag aan dadka shacabka ah ka soo ag dhawaan Karin, lana sugu amniga degaannada cadawga laga xorreeyo “Ayuu yiri Afhayeenku, wuxuuna ugu dambeyntii ciidamada faray in ay foojignaan dheeri ah galaan si ay uga nabad galaan dhagarta cadowga, maadama Khawaarijta la wiiqay awood iyo fikir ahaan intaba.

Maalmahaan dambe gobolka Mudug ayaa waxaa ka socday qaban qaabo ku aadan xoreynta deegaanada Khawaarijtu kaga Sugan tahay Gobolkaasi iyo guud ahaan Galmudug, waxaana la gudagalay wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Kooxda Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee loo bixiyay Khawaarijta, waxaana jira in Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Qaranka ee Danab,Gorgor iyo xooggaga deegaanka ay ku wajahan yihiin Deegaannada Bacaadweyn,Camaaro, Shabeelow iyo kuwa kale oo Khawaarijtu ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadeen Maalmihii la soo dhaafay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo ku suganaa Degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay ku wajahan yihiin degaanada Camaara, Bacaadweyn, Qayacad, ee gobolka Mudug si looga xoreeyo maleeshiyaadka khawaarijta, waxaana jira in Maalmahaan dambe gobolka Mudug ay ka socdaan qaban qaabo ku aadan xoreynta deegaanada Khawaarijtu kaga Sugan tahay Gobolkaasi iyo guud ahaan Galmudug.

Guntii iyo gabagabdii waxaan la dafari kareyn in Guulo wax ku ool ah laga gaaray howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee sida hufan uga socday dalka gaar ahaan Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug, waxaana muuqda in dhawaan laga soo jeesan doono Deegaanadaasi, loona sii gudbo dhulka koonfurta Soomaaliya,iyadoo la kaashanaayo saaxiibada Soomaaliya .

Waa diyaariyay C/laahi Ruush