SANADKA 2023 WUXUU NOO YAHAY SANADKII ADEEG BIXINTA DOWLADDA (WARBIXIN)

Hanaanka Dowlad dhiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya oo soo maray heerar kala duwanaa kuwaas oo lahaa caqabadahooda ayaa marwalba ahaa mid koritaan sare samaynayey,sida hanaanka dhismaha Federaalka dhismaha Ciidanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee kala duwan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan sheekh Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay in Sanadka 2023 noqon doono sanadkii Adeegyadda Dowladda la gaarsiin lahaa dhamaan bulsho weynta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in sidoo kale hanaanka dib u heshiisiinta Dalka door muhiim ah la siin doono iyadoo dib u heshiisiinta la gaarsiin doono heer dowlad goboleed heer degmo ilaa heer degaan taas oo saamixi doonta in dhulka Soomaaliyeed laga sameeyo dib u dhis xooggan.

madaxweynaha ayaa xusay in sanadkan la sugi doono Amniga guud ee dalka, sidoo kalena Dadweynaha soomaaliyeed la diiwaangelin doono qof walba oo Soomaaliyeed na la siin doono Aqoonsi muwaadinimo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in la dhisi doono Sanadkan Komishanada Dastuuriga ah iyo Heya’addaha madaxabanaan” Sanadka cusub ee 2023 wuxuu dowladdeena u yahay Sanad adeeg iyo Sanad waxqabad,wuxuuna baal dahab ah ka geli doonaa taariikhda hayaanka ee aan ugu jiro dhismaha Dowlad casri ah oo dunida casriga ah la jaanqaadaysa,sidoo kale waa Sanadka dib u xoraynta dib u xorraynta dalka,sidoo kale waa Sanadkii hanaanka geeddi socodka daynt cafinta ee Soomaliya ka madaxbanaan lahayd daynta,sidoo kale waa Sanadkii dhamaystirka dastuurka qabyadda ah ee aan maanta haysano sidoo kale waa Sanadkii balaadhinta waxbarashadda Caruurteena” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud.

Hanaanka gaarsiinta Adeegyadda dowladda ayaa waxa ugu muhiimsan in Dadweynaha Soomaaliyeed oo mudo dheer kooxaha khawaariijtu kala dagaalameen kaabayaasha nolosha ay dib u helaan Adeegyadda Waxbarashadda,Caafimaadka,Biyo nadiif ah, kobcinta dhaqaalahooda sida Beeraha iyo Xoollaha Nool.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashadda XFS ayaa dhowaan shaaciyey in Wasaaradda Waxbarashadu dadaal ugu jirto sidii dadweynaha Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa waxbarasho tayo leh isagoo wasiirka xusay in bilaha soo socda wasaaraddu qaadanayso hawlgelinayso 3000 oo macallin oo cusub iyadoo wasaaraddu u qaadan doonto hab tartan furan ah shaqo-gelintooda si loo gaaro malaayiinta Soomaaliyeed ee fursad u helin in ay helaan waxbarasho tayo leh”.

Yoolka qaadashada macallimiinta cusub oo qayb ka ah in aan mudnaan gaar ah siino gabdhaha Soomaaliyeed ee waxbartay, macallimiinta farsamada,Macallimiinta dugsiyadda quraanka,dadka qaba baahiyaha gaarka ah iyo dadka ku nool deegaannada laga xorreeyey kooxaha khawaariijta” ayuu yiri  wasiir Faarax Sheekh Cabdiqaadir wasiirka waxbarashadda XFS.

SONNA EDITORIAL