DHAQAALAHA DALKA SOOMAALIYA

Dadka Soomaaliyeed waxaa inta badan lagu qayaasaa tiro ahaan 18-milyon balse tirakoob sax oo lahaayo ma jirto balse waa qiyaas ahaan  bulshadaas baxaada leh hormaro kala duwan ayey ka sameeyey dhanka dhaqaalaha dalka.

Dalka Soomaaliya oo ah dalka baaxadaas leh ayey waa  bulshadii Soomaaliyeed waxa ay  yihiin dad ku wanaagsan Ganacsiyada kala duwan, Beerashada  iyo Xoolaha nool marka loo eego dadka ku nool geeska africa.

Dalkeena marba marka kasii danbeyso waxaa kobcaayo dhaqaalaha taasi oo aad ka dheehan kartid isbadalka xoogga leh ee ku yimid dalka tobankiisano ee u danbeeyey.

Kobacaas kala duwan ee dhaqaalaheen ayaa ku yimid dadaal badan oo ay bulshada Soomaaliyeed ay sameeyeen sababtoo ah bulshada Soomaaliyeed waxa ay lasoo kulmeen dhibaatooyin waa weyn oo aysan u adkeesan karin bulshooyinka caalamka kale.

Hadaba dhibaatooyinka ayaa ahaa in dalka uu ku jiray dowladd la aan oo ay dowladdii burburtay dagaalo kala duwan dalka ka dhacay oo kumanaan bulsho aan waxbo galabsan ku dhinteen qaarna dhaawac meen iyo qaarka kalena ay dagaalada ku reebtay dhibaatooyin ma hadho ah balse bulshada Soomaaliyeed waxaas oo dhib ah waa ay u soo adkeysteen waana ay guuleysteen.

Dabcan marka aad eekto Soomaaliya waxaa kuu muuqanaayo hormarada kala duwan ee dalka ka jiro iyo dhaqaalaha xawliga ah ee sii kobcaayo uu dalkeena sameenaayo taasina waxaa laga dheehan karaa caasimada dalka oo isbadalo xoogleh ay ku socdaan.

Sidoo kale dhaqaalaha Soomalida kuma eko Soomaaliya oo kaliya balse xuduudka ayuu katilaabay waxa aad arkeysaa ganacsatada Soomalida ah ee dhaqaalaha xoogga leh ee ku haysta wadamada kala duwan sida kenya waa dal aan daris nahay hadan ganacsatada Soomaaliyeed ayaa maal galin xoog leh ku sameeyey suuqa islii oo ay soomaalida ay ku badan tahay dhaqalihiina waa u kobcay.

Sidoo kale waxaa jira wadama kale sida South Africa, Turkiga Ruwanda Jabuuti iyo wadama kale oo dhaqaalaha Soomaaliya yaalo marba marka kasii danbeysana uu sii kobcaayo.

Dancan dadka Soomaaliyeed waa dad ku wanaagsan Ganacsiyada kala duwan oo dhaqaala sameen kara balse waxa ay u baahan yihiin dowladd xoogleh oo difaaci karta nolasha bulshada Soomaaliyeed iyo maalkooda sidoo kalena dowladdu ay ku xirta wadamada ganacsi wadaaga ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Ugu danbey Bulshada Soomaaliyeed waxqti kasta waxa ay sameen karaan dhaqaalo xoog leh oo kobciya dalkeena haddii ay helaan xasilooni amni, dowladd difaacda Hadda kobacaas waa uu sii laba jibaarmi haddii uu helo inta aan kor ku soo xusnay.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan