Shacabka Marka oo soo dhoweeyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Shacabka ku nool magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose ayaa taageeray holwlgallada ka dhanka khawaarijta ee ka socda dalka .

Qaar ka mid ah shacabka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dowladda ku garab taagan yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee lagaga xorreynayo guud ahaan dalka.

“Dowladda waan garab taagan nahay waana la shaqeyneynaa ,khawaarjtu dhibaato badan ayey ku haysay dadka shacabka ah gaar ahaan kuwa jooga degmada Marka,” ayuu yiri mid ka mid ah shacabka kul nool magaalada Marka.

Shacabka ayaa si is-ku mid ah u soo dhoweeyay guulaha ciidanaka xoogga iyo kuwa degaanka ay ka gaareen howlgallada dalka looga ciribtirayo kooxda khawaarijta Al-shabaab, iyagoona sheegay in ay la shaqeynayaan ciidamada amniga degaanka.

Dowladda federaalka ayaa deg deg adeegyada dowladda u gaarsiineysa deegaanada laga xorreeyay Khawaarijtu,iyada oo la hubinayo tayada Mashaariicaha dalka laga fulinayo in ay yihiin kuwo waxtar waara u leh bulshada.