Madaxweynaha Puntlanad oo xarriga ka jiray wado muhiim u ah isku socodka bulshada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Xarfo ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa intuu ku sugnaa halkaasi waxaa uu xariga ka jaray  Wadada Xarfo-Buurtinle, oo si dhameystiran oo Laami ah loo dhisay, Maamulka oo kaashanaysa  Midowga Yurub iyo UNOPS ayaa suurtagelisay Wadada waxaana Qeybta farsamada dhismaha fuliyay Shirkadda wadaniga ah ee Isxilqaan.

Munaasabadda Xarig jarka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Howlaha Guud, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Hay’adda  Waddooyinka Puntland, Guddoomiyeyaasha Gobollada Nugaal iyo Mudug, Gudoomiyaha Degmada Garoowe.