Guddiga la socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka BJFS oo guddoon cusub doortay

Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa loo doortay Xildhibaan Xuseen Iidoow  ka dib doorasho ka dhacday xarunta golaha Aqalka sare.

Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka guddigan ayaa loo doortay Senator C/llaahi Sh. Ismaaciil Fartaag, halka Senator Saciid Cabdi Xuseen loo doortay Xoghayaha guddiga la socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka BJFS.

Doorashada waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada 1-aad ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya.