Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarumo lagu farsameeyo hubka iyo gaadiidka ee Dalka Imaaraadka Carabta

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa booqday Warshadaha soo saara hubka, rasaasta iyo Gaadiidka ee dalkaasi.

Wasaaradda ayaa dardar gelineysa qorshaha dowladda ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab,kadib kolkii kooxdaaasi haatan laga saaray deegaano badan oo dalka ka tirsan

Sidoo kale Wasaaraddu waxay xoojisay tayaynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.