Waxa la soo gabagabeeyay barnaamijka bandhigga ganacsiga, kaas oo ay so qaban qaabiyeen SOMALI TRADE SHOW.Bandhiggu wuxuu ahaa mid si cajiib ah oo farshaxeysan looga soo shaqeeyay sidoo kalena ay halkaasi ka muuqatay maamuus, qaderin iyo qaabeyn heer sare ah.
Barnaamijkan bandhigga ganacsiga ah ayaa qabsoomay sanadki 3-aad oo xariir ah, taas oo fursad weyn u aheyd ganacsatada Soomaaliyeed isla markaasna ay muujiyeen baahida ay u qabaan bandhigyo ganacsi oo midkaan la jaad ah.
Waxaa goobta yimid ganacsato badan si ay u soo bandhigaan adeegyada iyo badeecadaha kala duwan ee ay u hayaan macaamiisha, sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay dhowr kun oo qof oo xiiseynayey ka qeyb galka iyo ka qeyb qadashada bandhigga ganacsiga.
Dhanka kale, waxaa goobtaas yimid mas’uuliyiin, khuburro iyo Hal-Abuurro dhanka ganacsiga ah, kuwaas oo barnaamijyo iskugu jiro waayo aragnimo, dhiiri gelin, xogsiin iyo tala bixin uga qeyb qaatey inta bandhigga uu socdey.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in Rugta ganacsiga iyo Wasaradda ganacsiga xubno matalayo ay si habsami leh ugu qeyb qaateen inta u socdey bandhigga ganacsiga kuwaas oo ayagana u sameeyey ballan qaadyo, talo siin iyo dhiiri gelin ganacsatada Soomaaliyeed.
Waxyabaha kale ee soo jiidashada laha isla markaasna bandhigga ganacsiga muhimaddiisa kor u qaadayey waxaa ka mid ahaa in shirkadaha ka qeyb galay barnaamijkaan ay fursado shaqo u abureen isla markaasna goobta ku shaqaaleysiiyeen qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqo doonka ahaa.
Barnaamijka waxaa dhextaal u ahaa Dood Cilmiyeed ay ka qeyb qadanayeen khabiirro iyo aqoonyahanno ka kala socdey hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn.
Haddaba, maxay ka faa’ideen ganacsatada Soomaaliyeed barnaamijka bandhigga ganacsiga.
- Waxay u aheyd fursad ay ku soo bandhigteen, kuna tusayeen macamiishooda adeegyada iyo beedacadaha cusub ee ay so kordhiyeen iyo kuwa ay horey u hayeen intaba.
- Ku fara adeegidda macaamishooda si tartanka xoogga leh ee waddanka ka jiro ay uga qeyb noqdaan mar walba.
- Ogaanshaha shirkadaha kale ee ay adeegga iyo badeecadaha isku midka ah bixiyaan iyo kala duwanaan-shahooda.
- Ballaarinta ganacsigooda si ay u gaaro Macaamishooda.
- Ogaanshaha fursadaha suuqa ka jiro
- So dhega dhageynta baahiyaha macaamisha
.7. Xoojinta, xayeysiinta iyo kor u qaadidda sumcadda ganacsigooda
Haddaba dhanka kale, maxay ka faa’ideen macaamiisha iyo dadka kale ee ka so qeyb galay Bandhiggaan.
1.Kalmadaha khuburrada, Aqoonyahannada iyo hal-abuurrada oo faa’ido mug leh u lahaa ka soo qeyb galayaasha
2.Ogaanshaha fursadaha banaan ee aan wali laga faa’ideysan ee ka jira suuqa .
3.La kulanka ganacsatada si aad u hesho macluumaad dahabi ah.
- Barashada dad cusub (Networking) si aad uga faa’ideysato khibraddooda ganacsi.
maxuu yahay doorka ka saaran isku xirka ganacsatada iyo macaamiisha ee Somali trade show u qabteen.
- Usoo bandhigidda adeegyada iyo badeecadaha Soomaalida adduunka iyo waliba Soomaalida kale
- Isku keenidda Ganacsatada iyo macaamiil aan horey isku aqoon balse isku baahna.
- isku keenidda ganacsatada iyo bulshada si ay xog iyo macluumaad isku dhaafsadaan.
- Dhiiri gelinta ganacsatada si ay u sii horumariyaan ganacsigooda
- soo jiidashada maalgashadeyaasha waddanka iyo kuwa dibadda si ay u arkaan horumarka ganacsiga Soomaliyeed uu sameynayo.
- Baraarujinta, dhiiro gelinta dhalinyarada Soomaaliyeed si ay ula yimaadaan hal-abuur ganacsi.
Ugu danbeyn barnaamijka Bandhigga Ganacsiga ayaa soo idlaaday, kuna soo dhamaaday jawi xiiso iyo xamaasad badani ka muuqato.
WQ: C/raxiim Abuukar Axmed Jimcaale